Meydka askari ka tirsan Ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka kusoo qaaday dalka Somalia ayaa laga helay deegaan ka tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Baqtiga askarigan ka tirsan Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa kusoo caariyay deegaanka Daaru-salaam oo ka mid ah deegaanada uu Wilaayada Shabeelada Hoose ka maro Wabiga Shabeelle.
Askarigan ayaa wabiga isku tuuray xilli ciidamada Mujaahidiinta Saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaadeen saldhiga Kufaarta iyo Murtadiinta ay ka sameysteen degmada Awdheegle oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada Hoose.
Askarigan Shisheeyaha ka tirsan ayeey Ciidamada Mujaahidiinta ku dhex dileen Wabiga waxa uuna Baqtiga Askarigan ugu dambeyntii Wabiga kusoo tuuray deegaanka Daaru-salaam.
Deegaanka Daru-Salaam waxa uu ka mid ah Deegaanada gobalka Shabeelada hoose ee ay ka babaneyso Raayada Towxiidka, Waxaa deegaanka ka taliya Maamulka Islaamiga ee Wilaayada Shabeelada hoose.
Dagaalkii 48-dii Saac ee lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta ay ku qaadeen degmada Awdheegle ayaa lagu dilay askar ka tirsan shisheeyaha iyo maleeshiyaatka Ridada ee duulaanka ku jooga degmadaas.
Calamada.com