Warar hordhac ayaa laga helayaa qarax aad u xooggan oo ka dhacay koontoolka koowaad ee laga ilaaliyo madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho iyo xaumo farabadan oo ku yaalla halkaas oo ay ka mid yihiin xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda Amniga.
Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxaynayay Halyeey istish-haadi ah ayaa lala beegsaday koontoroolka oo xilligaas ahaa mid aad u mashquul badan ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo ciidamo intaba.
Koontoroolka la weeraray oo xiga dhanka isgoyska Sayidka ayaa xiiligii qaraxu ka dhacayay waxaa ku sugnaa kolonyo gaadiid ah oo wateen mas’uuliyiin ka tirsan DF kuwaas oo halkaas lagu baarayay si ay ugu gudbaan dhanka Madaxtooyada iyo dhismaha Baarlamaanka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, Afhayeenka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cabdi Casiis Abu Muscab ayaa sheegay in weerarka ay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeedba ugu gaarsiiyeen xubno ka tirsan masuuliyiinka DF iyo ciidamada intaba.