Waxaa goordhow soo gaba gaboobay weerar cagmarin ah oo ciidamada Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig kuyaal deegaanka Xaaji Cali ee Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya xeebta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal saacado badan qaatay uu deegaanka Xaaji Cali ku dhaxmaray maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta saldhiggii ciidamada dowladda ee Xaaji Cali ayna gacanta ku dhigeen saanado hub ah iyo gaadiid dagaal, war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada XSHM ayaa lagu xaqiijiyay in howlgal guulaystay uu ka dhacay Sh/dhexe.
Deegaankan uu weerarku ka dhacay ayaa kaabiga ku haya degmada Cadale oo ay haystaan cutubyo katirsan ciidamada shisheyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.
Lasoco faah faahin dheeri ah insha’Allaah