Qarax culus ayaa lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen askarta dowladda federaalka kaasi oo ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Lafoole ee dhaca wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Qaraxa ayaa burburiyay gaariga Cabdi bilaha waxaa ku dhintay Shan askari Labo kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo ka wada tirsan askarta dowladda Ridada federaalka.
Dhanka duleedka Kismaayo qarax ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Baar-sanguuni oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaaladaasi.
Qaraxan ayaa lagu burburiyay gaari Kooyal ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Jubbo-land, Waxeyna qaraxyadan kusoo aadayaan xilli dagaal ka dhacay duleedka degmada Qoryooley lagu dilay Afar askari oo Yugandheys ah.
Calamada.com