Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ku qaadeen saldhiga Shisheeyaha ay ka sameysteen degmada Qoryooley ee Shabeelada hoose.
Dagaalkan waxey ciidamada Mujaahidiinta ku dhaawaceen Afar askari oo Kufaarta Uganda ah kuwaasi oo la xaqiijiyay in dhaawacyadooda ay culusyihiin.
Dagaalkan khasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamada Kufaarta Uganda ee ka dhacay degmada Qoryooley ayaa kusoo aadaya xilli sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ay dagaallo culus ku qaadeen saldhiga iyo fariisimaha Murtadiinta iyo Kufaarta ay ka kala sameysteen deegaanada Cabdalle Biroole iyo Bariire oo kala hoostaga degmooyinka Kismaayo iyo Afgooye ee Wilaayada Jubbooyinka iyo Shabeelada hoose.
Calamada.com