Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Abiy Axmed Oo Shaaca Ka Qaaday In Dhawaan La Wareegi Doonaan Dekedda Casab.
  • Allposts
  • Warar

Abiy Axmed Oo Shaaca Ka Qaaday In Dhawaan La Wareegi Doonaan Dekedda Casab.

September 3, 2025

Xilli xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Eretriya ay cirka isku sii shareertay, ayaa waraysi cusub oo R/Wasaare Abiy Ahmed uu siiyey telefishanka Itoobiya ku iftiimiyey damacooda ku aaddan mustaqbalka dhow iyo halka uu daaran yahay, isaga oo sheegay inay si fudud ula wareegi doonaan dekedda Casab ee dalka Ereteriya.

Gaal Abiy Axmed ayaa si cad u shaaciyey in Itoobiya ay ku khaldantay wax uu ku sheegay ka-tanaasulka dekedda Casab ee ku taalla dalka Eretariya, isla markaana ay dhawaan dib ka sixi doonaan khaladkaasi dhacay.

“Waxaan joognay Badda Cas ilaa 30 sano ka hor. Joogitaankaasi wuxuu ahaa taariikh dhaw oo shalay ahayd.” Ayuu Abiy Axmed ku yiri waraysigiisan oo lala yeeshay isagoo ku sugan meel u dhow biyo-xireenka webiga Niil ee uu muranka badani ka taagan yahay.

Raysal-wasaaraha Itoobiya oo hadalkiisa sii wata isla markaana gef ku tilmaamaya in Itoobiya ay kusoo dhacdo xeeb la’aan oo ay waydo dekedda Casab ayaa yiri “Khaladkii shalay la sameeyay, berrina waa la sixi doonaa, mana aha wax adag,”.

Hadallada Abiy Axmed oo la filayo inay uga sii dari doonaan xiisadda ayaa imanaya maalmo kadib markii madaxa Xiriirka Dibadda iyo Iskaashiga Militariga ee Wasaaradda Difaaca ee Itoobiya, Jeneraal Teshome Gemeju, uu shaaciyey in dekedda Casab ay iyagu leeyihiin isla markaana ay u diyaar-garoobeen sidii ay usoo ceshan lahaayeen.

Eretriya ayaa hadalkan kasoo yeeray sarkaalka Itoobiyaanka ah ku tilmaantay baaq dagaal iyo bilawga qolqolotooyin hor leh oo uu geli doono gobolka Geeska Afrika, waxaanay ku sifeeyeen Weerar iyo dagaal toos ah oo loola soo bareeray, taas oo laga dhaxli doono ayay yiraahdeen khasaare baaxad leh.

Gebi-dhacleynta damaca badeed ee Itoobiya ayaa haatan hadal-hayntiisu u badan tahay dhinaca Eretariya, balse waxa hubaal ah in marnaba aanay ka tanaasulin heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay la gashay maamulka gaallo-raaca ah ee Somaliland, kaas oo loogu saxeexay qaadashada qaybo ka mida xeebaha waqooyi ee dalka Soomaaliya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 11-03-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -11-03-1447 Hijri.

Related Stories

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.

April 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri

April 27, 2026
Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.

April 27, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada