Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Abiy Axmed Oo Sheegay In Uu Socdo Afgambi Ka Dhan Ah Dowladdiisa.
  • Allposts
  • Warar

Abiy Axmed Oo Sheegay In Uu Socdo Afgambi Ka Dhan Ah Dowladdiisa.

July 8, 2024

Wargayska The Repoter ee fadhigiisu yahay magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa daabacay maqaal dheer oo ku saabsan inqilaab ka dhan ah dowladda xabashida Itoobiya oo socda iyo Abiy oo arintaasi xaqiijiyay.

Wargayska ayaa warbixintiisa ku billaabay in qaaradda Madow ay tan iyo 2020-kii marti gelisay afgambiyo guuleystay oo lagu riday dowlado rayid ah oo dhisnaa, halka isku dayo kale oo dhowr ahna la fashiliyay muddada 4-ta sano ah.

Inta badan afgambiyadan oo ka dhacay galbeedka qaaradda, waxaa lagu riday dowlado dhowr ah oo ku hoos jiray Faransiiska, halka sidoo kalena afgambi ciidan lagu haysto dowlado kale oo Suudaan ay ka mid tahay, taasi oo keentay in galbeedku ka guuro dalalka la afgambiyay, saraakiisha ciidanna ay soo dhaweystaan Ruushka iyo Shiinaha.

Duluacda sheekada mar uu wargaysku u weecday waxa uu sheegay inay hadda socdaan isku dayo afgambi oo la doonayo in meesha looga saaro xukuumadda uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Wuxuu sheegay in Itoobiya oo sanado badan la daalaa dhacaysay khilaaf siyaasadeed oo hoose iyo colaado baahsan ay sidoo kale hadda halis ugu jirto isku day afgambi oo ka dhan ah dowladda, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy, xilli uu khudbad dheer u jeedinaayay baarlamaanka daaquudka ah ee dalkiisa 4-tii bishan July 2024.

” Dhowaan odayaasha iyo dadka kale waxay yeelanayeen doodo ku saabsan in afgambi la sameeyo, waxaa sidaas xildhibaannada u sheegay Abiy Axmed, isagoo intaas sii raaciyay; “aan talo ku siiyo, inqilaab ka dhaca halkaan Itoobiya ah laguma guulaysan doono, sababtoo ah aan eegno dhanka ciidamadeena, waxaan u dhisnay hay’adaheena si aan uga hortagno afgambiga,  Inqilaabka kaliya ee abid ka dhacay Itoobiya wuxuu ahaa 50 sanno kahor, Hadda ma guulaysan karo qorshahaasi, waxaadna wakhtiga ku luminaysaan inaad ka hadashaan afgambi lagula kaco guryaha martida .” ayuu yiri Abiy.

The Repeoter ayaa sidoo kale sheegay in Abiy Axmed mar la waydiiyay bal in uu farta ku fiiqo cidda sida rasmiga ah u wada qorshaha afgambiga, uu diiday in uu si toos ah u bixiyo xogtaasi.

Balse wariyaha wargayskan fadhigiisu yahay Addis-ababa ayaa dabagal uu sameeyay ku ogaaday in hayadaha dowladda iyo madaxtooyadaba uu ka jiro feejignaan dheeri ah oo looga hortagayo isku-dayga afgambi ee la doonayo in meesha looga saaro xukuumadda Abiy Axmed.

Xogta afgambiga lala damacsan yahay xukuumadda Addis-ababa ayaa soo ifbaxay, kadib markii ay bilowdeen wada hadal u dhaxeeya dowladda Mareykanka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ah ee Itoobiya iyo sidoo kale xubno saameyn ku leh jaaliyadda Itoobiya ee deggan Mareykanka.

“Habka ay u fikiraan waa mid raqiis ah, waxay farta noogu fiiqaan dawlad la hayb sooco. Inqilaabka waligiisa ma guulaysan doono. balse haddii uu dhaco oo Oromadu gacanta ku dhigto waxba uma tari doonaan bal waxay duminayaan Itoobiya. Haddii Axmaaradu inqilaab samayso oo ay xukunka qabato, waxba masoo kordhin doonaan ee dalka ayay duminayaan. Hadii si kasta uu afgambi u guulaysto, Itoobiya way kala go’aysaa oo waxay geli doontaa dagaal iyo fowdo sida Suudaan oo kale,” waxaa sidaasi yiri Ra’iisal wasaaraha dowladda Itoobiya oo aad uga walaacsan in la inqilaabo dowladdiisa.

Walaaca Abiy ee afgambiga ayaa kusoo beegmaya, xilli 26-ka bishii June ee ina dhaaftay 2024, ay safaaradda Mareykanka ee Addis-ababa barteeda (X) kusoo daabacday in safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Massinga, uu Washington kula kulmay wasiirkii hore ee arrimaha debadda, Gedu Andargachew iyo hoggaamiyihii hore ee xisbiga mucaaradka, Yilkal Getnet.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Daawo Weerarka Cagta Lagu Mariyay Saldhigyada Goofgaduud-buureey.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-12-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-12-1447-Hijri.

June 12, 2026
Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada