Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Alfurqaan Oo Bayaan Kasoo Saartay Duqeyntii Maraykanka Uu Ku Dumiyay Idaacadda.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Alfurqaan Oo Bayaan Kasoo Saartay Duqeyntii Maraykanka Uu Ku Dumiyay Idaacadda.

January 2, 2021

Galabnimadii Jimcaha, 01 Janaayo 2021, diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa si gardarro cad ah duqayn cirka ah ula beegsaday xarunta Idaacada Islaamiga ah ee Al-Furqaan ee Magaalada Kuunya Barrow, ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo halkaas ku burburiyay dhismihii idaacada iyo qalabkii ay ku shaqaynaysay intaba.

Ma jirin wax khasaare nafeed ah oo soo gaaray shaqaalihii iyo hawlwadeenadii idaacada oo xilligaas xarunta ka maqnaa maadaama ay ku beegnayd waqtiga Salaadda Maqribka, balse waxay dhaawacyo kasoo gaareen dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka xarunta, gaar ahaan nin waayeel ah oo dhaawiciisu aad u daranyahay iyo qof haween ah.

Waa weerarkii sadexaad ee ay diyaaradaha Mareykanku si toos ah ula beegsadaan xarumaha Idaacada Islaamiga ah ee Al-Furqaan muddo ka yar laba sano gudaheed.

Bishii Agoosto 2019 waxay diyaaradaha Mareykanu duqayn u geysteen xarunta idaacadda ee Kuunya Barrow.

Muddo kayar 10 maalmood kahorna, gaar ahaan Khamiistii 24-kii Diseembar 2020, waxay diyaaradaha Maraykanku duqayn u geysteen xarunta idaacadda ee ku taalla degmada Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo sidoo kale lagu burburiyay dhismihii idaacadda.

Duqaymahan dhanka cirka ah ee soo noqnoqday ayaa ah isku day ay ciidamada Mareykanku – iyagoo adeegsanaya duqaymaha diyaaradaha aanan duuliyaha lahayn – ku doonayaan inay ku caburiyaan kuna aamusinayaan dadaalka Al-Furqaan ay ku bixinayso inay soo bandhigto xaqiiqada dagaallada ka socda Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu Mareykanku bartilmaameedsado xarumaha warbaahineed iyo saxafiyiinta inta uu ku gudajiro dagaalada dabadheeraaday ee uu ka wado wadamada Islaamka.

Bishii Nofeembar 2001, markii Al Jazeera ay daboolka ka qaadday xaqiiqda dagaalka Mareykanku ku qaaday Afghanistan, maamulkii Mareykanka ee xilligaas wuxuu kaga jawaabey inuu duqayn la beegsado xafiiska Al Jazeera ee Kabul,
Afghanistan.

Wax ka yar labo sano kadib, intii lagu guda jiray duullaankii uu ku qaaday dalka Ciraaq, gantaalaha Mareykanka ayaa markale bartilmaameedsaday xafiiska Al Jazeera ee magaalada Baqhdaad, halkaas oo lagu dilay wariye isla markaana lagu dhaawacay xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha.

Sababta ugu weyn ee uu Maraykanku u beegsaday xarumahaas iyo saxafiyiintaas ayaa ahaa inay si toos ah usoo tabinayeen dagaalka uu Maraykanku ku qaaday labadaas waddan.

Marka laga hadlayo colaadda uu Mareykanku horboodayo ee ka aloosan Soomaaliya, Al-Furqaan waxay daaha ka rogtay gumaadka qarsoon ay ciidamada Maraykanku ka geysanayaan dalka.

Waxay soo bandhigtay caddaymo muujinaya duqaymaha aan kala sooca lahayn ee maamulka Trump uu ka geysanayo magaalooyinka iyo tuulooyinka ay dadka rayidka ah ku noolyihiin, kana fogfog furimaha dagaallada, kuwaas oo naf iyo hantiba ku waayay duqaymaha diyaaradaha Mareykanka.

Waxay caalamka usoo gudbisay muuqaallada dad rayid ah oo uu Mareykanku ku dilay duqaymo diyaaradeed kadibna ku tilmaamay inay ahaayeen dagaalyahanno Al-Shabaab ah, balse muddo kadib uu ku ceeboobay been-abuurkaas, oo qirtay in dad rayid ah uu laayey, kadib markii hay’ado caalami ah iyo saxaafadda madaxa bannaan intuba xoojiyeen cadaymeheenii, ayna xaqiijiyeen in dad rayid ah oo aanan wax dagaal ah ku lug lahayn Mareykanu laayey.

Maamulka Trump oo dareemaya wejigabaxa uu la kulmay ayaa ku jawaabey duqaymo uu la bartilmaameedsado xafiisyadayadeena ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Waxay duqaymahan kusoo aadayaan xilli uu madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, dagaal ba’an ku hayo warbaahinta caalamka guud ahaan, qaar ka mid ah warbaahinta Mareykankana uu ku tilmaamay inay ku dhisanyihiin ‘been abuur’, taageerayaashiisana uu ku dhiirri geliyay inay kasoo horjeestaan saxafiyiinta iyo warbaahinta wax ka sheegta siyaasaddiisa.

Al-Furqaan waa hay’ad warbaahineed oo madaxbannaan, lana aasaasay sanadkii 2009-kii. Waxay mar walba ahayd codka shacabka Soomaaliyeed ee dulman, iyadoo si hagar la’aan ah oo dhexdhexaadnimo iyo cadaalad ku dheehantahay usoo tebisa ugana warbixisa dagaallada tonanaan sano ka socda dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo markii ugu horreysay ee aan shaqada bilawnay, waxaan u dulqaadanay caqabadaha ka shaqeynta goobaha colaadaha, waxaan ku shaqeynay duruufo aad u adag si aan dunida ugusoo gudbino xaqiiqooyinka qaraar ee dagaalka Mareykanka uu horkacayo ee ka jira Soomaaliya.

Xafiisyadeenna ku yaal Koonfurta Soomaaliya waa kuwo la wada yaqaan oo bulshada loogu adeego. Xafiisyadeenuna ma aha goobo ciidamo lagu tababaro ama ay ku suganyihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

Taas badalkeeda waa xarumo bulshada u wada furan danahoodana looga shaqeeyo.

Ujeeddooyinkeena ugu muhiimsan, warbaahin ahaan, waa inaan u adeegno bulshada Soomaaliyeed.

Al-Furqaan waxay hormuud ka ahayd ol’olaha wacyigelinta ee howlihii samafalka intii lagu gudajiray abaarihii 2011, waxay ka qeyb qaadatay howlaha gurmadka xiliyadii fatahaadaha, waxay kaalin muhiim ah ka qaadatay ol’oleyaasha waxbarashada si kor loogu qaado heerka aqriska iyo qoraalka ubadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka oo dhan, iyo waliba kor uqaadida wacyigelinta inta lagu gudajiray faafitaanka cudurka dunida saameeyay ee Coronavirus.

Anagoo ah idaacadda keliya ee madaxbannaan oo ka shaqeysa koonfurta Soomaaliya, waxaan muddo badan la noolayn dagaallada AMISOM iyo duqaymaha arxan darrada ah ee uu Mareykanu ka wado gobollada koonfureed.

Arintaas ayaa noo saamaxday inaan warar xaqiiqa ah si dhaqso ah ugasoo tebino goobaha duqeymaha, xilli aysan jirin idaacad kale oo madaxbannaan oo dhacdooyinkaas ka hadasha, saxaafada caalamkana ay guud ahaan mugdi kaga jiray dagaalka ay Mareykanku iyo ciidamada shisheeye ka wadaan dalka.

Waxaan soo tebinay duqaymaha aan loo meel deyin ee diyaaradaha Keenyaaku ku gumaadeen shacabka iyo xoola dhaqatada Soomaaliyeed ee degan Koonfurta Soomaaliya.

Waxaan ka hadalnay caburinta, cagajugleynta iyo cadaadiska ay ciidamada Farmaajo ku hayaan shacabka ku nool Muqdisho.

Waxaan sidoo kale soo bandhignay taqaariir, maqaallo iyo muuqaalo caddaynaya dhibaatada ay ciidamada shisheeye ka wadaan Soomaaliya iyo gumaadka ay diyaaradaha Mareykanku u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Taas ayaana ah sababta ay diyaaradaha Mareykanku had iyo jeer si bareer ah u beegsanayaan xarumaha idaacaddeena.
Duqaymaha Mareykanu u geystay xarumaha Idaacadda islaamiga ee Al Furqaan waxay caddayn u yihiin in xorriyadda saxaafadeed ee ay sheeganayaan tahay been.

Waxaan dhamaan dhegeystayaasha sharafta leh ee idaacadda ugu baaqeynaa inay mixnadan na garab istaagaan, ducadana nagu kaalmeeyaan.

Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa dhamaan saxafiyiinta iyo shaqaalaha idaacadda Al-Furqaan inay sugnaadaan, hawlaha ay wadaan sii labalaabaan si ay wararka xaqiiqada ah usoo tebiyaan. Waxaad ogaataan inaad tihiin ilayskii yididiilada u ahaa dadweynaha ku dulman geyiga Soomaaliyeed, kuwaasoo aad u tihiin aaladda keliya ee wararkooda caalamka lagu gaarsiin karo.

Kuwa raba inay idin aamusiyaan, waxay doonayaan inay xaqiiqada xabaalaan. Dulqaad iyo karti muujiya, dadaalka badiya si aad ummada Soomaaliyeed ugu bidhaamisaan dulmiga ku dul habsadey dalkeena hooyo.

Warbaahinta Al-Furqaan waxay sii wadi doontaa inay soo tebiso xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya wax walba oo ay nagu qaadato.

Waxaan dhibka la qaybsaneynaa bulshadeena Soomaaliyeed ee uu Mareyknaku duqaymaha gardarrada ah ku gumaadayo.

Nama cabsi gelin doonto in la duqeeyo xarumeheena, xafiisyadayadeena iyo qalabkeena, nagamana hor istaagi doonto inaan sii wadno hawlaheena saxafinimo ee xirfad sare oo xaqiiqda ku sallaysan.

Ugu dambayn, waxaaan u tacsi u direynaa dhamaan dadkii Muslimka ahaa ee idaacada agteeda joogey waxyeelladuna kasoo gaartey duqaynta Mareykanka.
Waxaan Allaah u weydiinaynaa inuu dha
qso u bogsiiyo, boogohoodana dhayo.

Bayaanka oo duuban waxaad ku dhagaysan doontaa dhuuxa inshaa allaah.


Xigasho Radio Al-furqaan.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dowladda Maraykanka Oo Duqeysay Xarunta Idaacada Islaamiga Ah Alfurqaan Ee Kuunyo Barrow.
Next: Mu’assasada Al-kataaib Oo Ballan Qaaday Baahinta Isdaar Cusub.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -06-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -06-Dulqicdah-1447-Hijri

April 23, 2026
IIraan Oo Sheegtay Inaysan Suuragal Ahayn In Dib Loo Furo Marin_biyoodka Hurmuz.
  • Allposts
  • Warar

IIraan Oo Sheegtay Inaysan Suuragal Ahayn In Dib Loo Furo Marin_biyoodka Hurmuz.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 06-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 06-11-1447-Hijri.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada