Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Dhagayso: Xarakada Iyo Beesha Reer Xaaji Saleebaan Oo Heshiis Gaaray.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Dhagayso: Xarakada Iyo Beesha Reer Xaaji Saleebaan Oo Heshiis Gaaray.

December 23, 2022

Magaalada Xarardheere ee xarunta wilaayada islaamiga ah ee Mudug waxaa kusoo idlaaday kulan maalmo qaatay oo u dhaxeeyay masuuliyiin ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab iyo odayaal ka socday beesha reer Xaaji Saleebaan oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega wilaayaadka dhaca bartamaha Soomaaliya.

Kulanka gabgabadii waxaa laga soo saaray qodobbo dhowr ah oo ay kala saxeexdeen masuuliyiinta Mujaahidiinta iyo odayaasha beesha reer Xaaji Saleebaan.

Halkan Ka Dhagayso Bayyaanka Kasoo Baxay Kulanka.

Hoos Ka Akhriso Bayyaanka Oo Qoraal Ah.

بسم الله الرحمن الرحيم

Taariikh: 28 Jamadul Awal 1444 Hijri.(22/12/2022)

Ujeedo: Hishiis dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Beesha Reer Xaaji Saleebaan.

Kadib shirar iyo kulamo dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo odayaasha dhaqanka beesha Reer Xaaji Saleebaan, kulamadaas oo ka dhacay degmada Xaradhereere, socdayna muddo toban maalmood ah, laga billaabo 18 Jamaadul Awal ilaa 28 Jamaadul Awal 1444 Hijri. Waxay labada dhinac ku hishiiyeen qodobada soo socda:

Qodabada heshiiska:

1: Waa in ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga hirgeliyo deegaanada beesha Reer Xaaji Saleebaan, fulinta arinkaasna ay beeshu kaalinteedana ka qaadataa.

2: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay iska fogeysaa, berina ka noqotaa, aysana la shaqaynin cadawga shereeco la dirirka ah, sida gaalada saliibiyiinta ah, murtadiinta iyo mushrikiinta.

3: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay safka cadawga ka saartaa dhamaan dadkeeda, gaadiidkeeda iyo hubkeeda nooc walba oo uu yahay.

4: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan aysan deegaanadeeda u ogolaanin qabiil dullaan ku ah ku dhaqanka shereecada Islaamka iyo nidaamka Wilaayaatka Islaamiga.

5: Waa in Xarakadu ay beesha ku wareejiso dhamaan maxaabiista ka dhashay beeshaas, tiradooduna tahay 67 qofood kuwaas oo kujira gacanta Xarakada.

6: Waa in beesha loo fasaxo dhamaan gaadiidka iyo ganacsiga laga xayiray dagaalkii dhacay kadib.

7: Waxaa ka mamnuuc ah in hub lagu dhex-qaato degaanada beesha loo fasaxay.

8: Cid waliba oo gacansiisa ama qarisa cadowga Muslimiinta waxuu ku xukun noqonayaa lana mid noqnayaa cadowgaas.

Deegaanada loo fasaxayo beesha iyo shuruudaha ku xiran:

Dadka deegaanadaas loo fasaxay waxaa laga rabaa inay fuliyaan arrimaha soo socda;-

1: Waa in dadka deegaanadu amniga kala shaqeeyaan wilaayada Islaamiga ah.

2: Waa in la ilaaliyo bad-qabka dhulka lagana hortago xaalufinta deegaanka.

3: Waa in deegaanadu u hogaansamaan awaamirta wilaayaada islaamiga ah.

4: Waa in aan dhulka lafasaxay lagu dhibaateynin Mujaahidiinta, ayna marikaraan meshey donaan.

5: Wixii meshaas Mujaahidiinta loogu geysto – aan aheyn ciidan duullaan ah – masuuliyadeeda beesha ayaa qaadeysa.

6: Waa inay ilaaliyaan deris-wanaaga beelaha ey walaalaha yihiin

7: Waa in ey ka fogaadaan xarumaha cadawgu degan yahay.

FG: Mudada heshiiska lagu dhaqan gelinayo waa 7 maalmood o ka bilabaneysa maalinta la saxiixay malinta ka danbeysa .

Saxiixa beesha Reer Xaaji Saleebaan:
1- Nabadoon Cumar Maxamed Jimcaale(Faniinto)

2- Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle-

3- Nabadoon Sugaal Warsame Cali

4- Nabadoon Cabdinuur Axmed Faarax

5- Nabadoon Cali Nuur Bootaan Kulmiye

6- Nabadoon Maxamad Cali Aadan

7- Nabadoon Axmed Maxamuud (Foolfooley)

8- Nabadoon Maxmed Saciid Jimcaale

9- Nabadoon Guray Cabdulle Axmed

10- Nabadoon Cabdi Daahir Maxumud

11- Nabadoon Cali Saciid Axmed Rooble

12- Nabadoon Ciise Cali Aadan

13- Nabadoon Cali Cumar Maxamed

14- Nabadoon Axmed Macalin Xasan

Saxiixa Wakiillada Xarakada:

1- Sheekh Cabdullahi Abu Khalid (Waaliga Galguduud)

2- Sheekh Xassan Abu Xamza (Waaliga Mudug)

وبالله التوفيق

Halkan Ka Degso Bayyaanka Oo PDF Ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -29-05-1444 Hijri.
Next: Inka Badan 21 Askari Oo Ku Dhimatay Dagaalladii Baydhaba {WARBIXIN}.

Related Stories

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.
  • Allposts
  • Warar

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.

April 22, 2026
Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.
  • Allposts
  • Warar

Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada