Waxaa weli sii socda ismari-waaga ka dhex-jira Iiran iyo Maraykanka, iyadoo madaxweynaha dowladda Saliibiyadda Maraykanka Gaal Donald Trump saacadihii lasoo dhaafay ka jawaabay su’aal ku saabsan suurtagalnimada dib u bilaabista weerarrada ka dhanka ah Iiraan, isagoo sheegay in arrintaas ay dhici karto.
Trump wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey inuu dhowaan dib u eegi doono qorshe uu sheegay inay Iiraan soo dirtay, isagoo tilmaamay inuusan filayn in qorshahaasi noqdo mid la aqbali karo.
Sida qaar ka mida warbaahinta kuffaarta reer-galbeedku tebiyeen, Sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa Sabtidii sheegay in soo jeedinta Iiraan ee ilaa hadda uu Trump diidan yahay ay furi lahayd maraakiibta Hormuz isla markaana ay joojin lahayd go’doominta Mareykanka ee Iran, iyadoo wadahadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran dib loo dhigayo.
Warbaahinta Iiraan ayaa iyaduna dhankeeda shaacisay in Tehraan ay jawaab ka bixisay soo jeedin Maraykan ah oo ka koobnayd 9 qodob, taas oo loo maray Pakistan.
Tehraan waxay ku adkaysatay jawaabteeda in arrimaha lagu xalliyo muddo 30 maalmood gudahood, iyadoo diiradda la saarayo in la soo afjaro dagaalka halkii laga kordhin lahaa xabbad-joojinta.
Dhanka kale, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in kubbadda hadda ay ku jirto dhinaca Maraykanka, si ay u doortaan wadada diblomaasiyadeed ama ay go’aan cad qaataan oo sii wadaan iska hor’imaadyada.
Caqabadda ugu weyn ee haysata madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa lagu sheegay inay tahay guul millateri iyo mid diblomaasiyadeed oo ilaa hadda aanu kasoo hoynin waddanka Iiraan, taas oo dhalisay culaysyo badan oo kaga yimaadda gudaha waddankiisa.
Sid ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, haddii colaadda aan xal loo helin, waxay sii wadi doontaa fuuq-baxa dhaqaale ee caalamka, gaar ahaan kororka qiimaha shidaalka Mareykanka, taasoo cadaadis ku sii kordhinaysa Donald Trump, hoosna u dhigaysa taageeradiisa iyo fursadaha xisbigiisa Jamhuuriga ee doorashooyinka soo socda.
Sidoo kale warbixintu waxay saadaalisay in haddii Maraykanku ku guul-darraysto in laga saaro gacanta Iran marin-biyoodkan muhiimka ah ee Hormuz, marka colaadda la soo gabagabeeyo ay noqon doonto dharbaaxo weyn oo mar kale ku dhacda Donald Trump iyo aayihiisa dambe.
Diblomaasiyiin reer Yurub ah ayaa sheegay in dowladahooda iyo dowladda Mareykanka ay isa sheegeen oo xiriirkoodu xumaaday dagaalkan dartiis, isla markaana ay filayaan in xaaladda hadda jirta ee Iran ay sii socon doonto.
Reuters waxay qirtay in Iran ay muujisay adkaysi, isla markaana adeegsatay cadaadis xooggan oo ka dhan ah Mareykanka iyo xulafadiisa, iyadoo keentay jahawareer aan hore loo arag oo ku yimaada sahayda tamarta, kadib markii ay xanibtay Hormuz, halkaas oo maraakiibta shidaalku ay si xor ah u mari jireen ka hor dagaalka, iyagoo qaadi jiray shan meelood meel saliidda adduunka.
Falanqeeye lagu magacaabo Jon Alterman oo ka tirsan machad laga leeyahay Washington oo falanqeeya siyaasadda iyo amniga ayaa isagoo arrintan ka hadlaya waxa uu yiri “Iran waxay garwaaqsatay in xitaa haddii la daciifiyo ay xiran karto marin-biyoodka marka ay doonto, ogaanshahani wuxuu ka dhigayaa Iran mid ka xooggan sidii ay ahayd ka hor dagaalka.”
Inkastoo Donald Trump uu sheegay inuusan aqbali doonin wax ka yar xal waqti dheer ah oo meesha ka saaraya khatarta Iran, haddana mararka qaar wuxuu muujinayaa inuu raadinayo waddo uu uga bixi karo dagaal aan gudaha Mareykanka laga taageersanayn.
Si kastaba ha ahaatee, Iiraaniyiintu waxay ka warqabaan dhibaatooyinka gudaha ee Trump waxaana laga yaabaa inay diyaar u yihiin inay waqtiga ay kaga ciyaaraan, waxaanu cilmi-baare sare oo reer Washington ah uu yiri “Iran ma kala jabin mana burburin, waxayna ku dheelaysaa waqtiga”
Geesta kale iyo gudaha waddanka Lubnaan, waxa laga soo sheegay in ciidanka Yahuuddu ay duqeymo ka fuliyeen dhowr tuulo iyo magaalooyin ku yaalla koonfurta dalka. Raadiyaha ciidanka Sahaayinada ayaa sheegay in ciidanka cirka ay saacadihii la soo dhaafay qaadeen weerarro isdaba joog ah oo ku fidsan jiidda koonfurta Lubnaan, oo ay ku jirto magaalada An-nabatiyyah.
Dhiniciisa, ururka shiiciga ah ee Xisbullah ayaa sheegay inuu diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka uu ku weeraray askar Yahuud ah iyo saldhig ay yaallaan gaadiid gaashaan.
Hawl-galkan ayay Xisbullah sheegtay inuu u dhacay sidii loogu talo-galay, isla markaana diyaaradahoodu ay si toos ah u beegsadeen saldhiggan oo Yahuuddu ay ka samaysteen magaalada Bayyaada ee Koonfurta Lubnaan.