Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta oo shalay ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan, halkaas oo si wayn loogu laayay maleeshiyaadka Riddada.
Dhimashada maleeshiyaadka Riddada lagu gaarsiiyay dagaalladan waxay gaartay ilaa 18 askari, kuwaas oo 12 ka mid ah ay murtadiinta maydadkooda uga carareen goobaha dagaalka, waxaa sidoo kale dagaalladaasi ku dhaawacmay 30 kale oo murtadiin ah.
Sidoo kale waxaanu helnay magacyada murtadiinta lagu dilay dagaalladaasi waxaana ka mid ahaa, Muumin Nuurshe Maxamed Cabdulle, Aadan Ibraahim Fidhig (Ilbir), Xasan Abiikar Aadan, Xasan Taakaay oo ahaa sarkaal waana uu dhintay, Cabdullaahi Muumin Dhaladheere, Axmed Muumin Cilmi Iidow, Cabdi Xuseen Axmed iyo sidoo kale Shariif Cali Yuusuf Barow
Murtadiinta dagaalladaasi lagu dhaawacay ayaan sidoo kale helnay magacyadoodu waxay kala yihiin, Daahir Xuseen Maalin, waa sarkaal, dhaawac culus ayaa gaaray, murtadka labaad waa Shiikhdoon Maxamed Xundubeey.