Xiisadda caasimadda Muqdisho ayaa weli kacsan, kadib dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaalada ku dhex-maray maleeshiyaad kala taabacsan kooxda riddada Soomaaliya ee hor-joogaha uu ka yahay Xasan Gurguurte iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Dagaalladan oo soo bilawday galabnimadii shalay ayaa sii xoogaystay habeennimadii xalay, kadib markii maleeshiyaadka Gurguurte ay isku dayeen inay xoog ku jiiraan aagag ay difaacyo ka xirteen maleeshiyaadka Xasan Cali Khayrre iyo Shariif-murtad.
Daryanka madaafiicda iyo jabaqda rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsanayeen ayaa xalay oo dhan laga maqlayay magaalada Muqdisho. Dagaalkan, oo socday ilaa barqadii maanta, wuxuu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ku dhawaad labaatan saacadood kadib, dagaalka ayaa qaboobay, iyadoo rasaastii joogtada ahayd ay istaagtay abbaaro saddexdii saac ee saaka, kadib markii maleeshiyaadka Gurguurte ay dib uga gurteen furimihii la isku horfadhiyay, gaar ahaan aagga ku dhow guriga Xasan Cali Khayrre.
Dhinaca guriga Shariif-murtad weli rasaas goos-goos ah ayaa ka socota, iyadoo wararku ay tibaaxayaan in goor dhawayd abbaaro afar saac iyo dheeraad ay maleeshiyaadka Xasan Sheekh Maxamuud madaafiic tiro-beel ah ku garaaceen gurigaasi.
Dagaal culus oo xalay si gaar ah u dhex-maray maleeshiyaadka Shariif-murtad iyo kuwa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sababay burburka gawaari gaashaaman oo ay wateen maleeshiyaadka Gurguurte, kuwaas oo labo ka mida oo noocoodu yahay Beebee saaka lagu arkay iyagoo ku shuf-beellay aagaggii lagu dagaallamay.
Murtad Daahir Amin Jeesow oo xubin ka ah baarlamaanka dawaaqiidda, isla markaana ka tirsan xubnaha ugu cad-cad mucaaradka ayaa ka hadlay sidii xalay ay wax u dhaceen isagoo dhanka kalena si adag ugu goodiyey Gurguurte iyo kooxdiisa.
Madaxii hore ee riddada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa isna ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo eeddiisa uu dusha uga tuuray madaxa kooxda Villa Soomaaliya murtad Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa jira barakac aad u xooggan oo ka socda magaalada gaar ahaan xaafadaha rayidka ee maleeshiyaadka riddadu ay ku kor dagaallamayaan, iyadoo uu jiro khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira oo soo gaaray shacabka magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale qaybo ka mida xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa saaka ka bilowday mudaharaado looga soo hor-jeedo xukuumadda Gurguurte, waxaana shacab fara badan oo saaka ka dhaqaaqay degmada Dayniile ay socod kusoo mareen degmooyin dhowr ah oo ka tirsan caasimadda Muqdisho.
Dowladaha gaallada ee Midowga Yurub, Ingiriiska Maraykanka iyo sidoo kale ururrada gaallada ee Qaramada Midoobay iyo IGAD ay soo saareen baaqyo ay si weyn ugu muujiyeen walaaca ay ka qabaan dagaalka magaalada Muqdisho ku dhex-maraya daba-dhilifyada ay muddada badan kusoo tabcayeen.
Ingiriiska ayaa shaaciyey inuu aad uga xun yahay dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho, halka dowladda Saliibiyadda Maraykanku ay dagaalkan ku sifaysay mid mas’uuliyad-darro ah, waxaanay kooxahan riddada ee dagaallamaya ugu baaqeen inay dagaalka joojiyaan dib-na ugu laabtaan miiska wada-hadallada.