Qarax Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho, ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Riddada, waxaana qaraxaas ku dhintay 4 askari oo murtadiin ah, shan kalane wey ku dhaawacmeen.
Dhanka kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Waajid ee wilaayada Bakool, kaasi oo ay la beegsadeen maleeshiyaadka murtadiinta, dhaawaca waa hal askari oo murtad ah, kaasi oo lagu magacaabo Aadan Galabow.
Dhanka Gaarisa, Ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta Kenya ee deegaanka Yumbis ee hoostaga degmada Faafi ee gobalka Gaarisa ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.