Madaxweynaha dowladda Masar, CabdiFataax As-siisi ayaa xarunta madaxtooyada ee Qaahira ku qaabilay dhiggiisa Eretriya, Asaias Afawerki oo dalka Masar ku tagay booqasho rasmi ah oo la sheegay inay qaadan doonto muddo saddex maalmood ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Qaahira ayaa lagu sheegay in kulanka ay shalay yeesheen labada hoggaamiye looga hadlay arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Afhayeenka rasmiga ah ee madaxtooyada Qaahira, Maxamed Al-Shinnawi ayaa sheegay in kulankani uu sidoo kale taabtay xaaladaha ka aloosan gobolka iyo caalamka, iyagoo labada madaxweyne ay si gaar ah diiradda u saareen xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika.
Labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee lagu xaqiijinayo wax ay ku sheegeen amniga Badda Cas iyo xorriyadda maraakiibta. Arrintaas oo kulamo horena ay si weyn ugu lafa-gureen.
C/Fataax As-siisi ayaa carrabka ku adkeeyey in iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Masar iyo Eretariya ay qeyb ka yihiin wax uu ku sheegay ilaalinta guud ee xasilloonida Geeska Afrika. Iyadoo arrimahan falanqeeyayaashu ku sifeeyeen farriin duur-xul ah oo ku wajahan Itoobiya.
Sidoo kale Al-siisi wuxuu adkeeyay taageerada Masar ee madaxbannaanida iyo midnimada Eritariya, halka Afwerki uu isna bogaadiyay horumarka xiriirka labada dal iyo taageerada Masar ee la xiriirta waxa uu ku sheegay horumarinta Erateriya.
Intii kulanku socday, waxay kaloo labada madaxweyne ka wada hadleen xaaladda cakiran ee ka aloosan waddanka Suudaan, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo midnimada iyo madaxbannaanida Suudaan isla markaana lasoo afjaro qalalaasaha ka socda dalkaas.
Khaalid Maxamuud oo ah qoraa u dhashay Masar, ayaa sheegay in kulanka labada madaxweyne uu mar kale adkeeyay in amniga, xasilloonida iyo maamulka Badda Cas ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay oo keliya dalalka xeebaha leh.
Qoraagu wuxuu ku fasiray mowqifka labada hoggaamiye, diidmo cad oo ku wajahan damaca bad-raadiska ah ee Itoobiya iyo sidoo kale tallaabo ka dhan ah heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay kala saxiixdeen maamullada Hargeysa iyo Addis Ababa.
Sanadihii u dambeeyey, Itoobiya waxay dedaal xooggan ugu jirtay sidii ay ku xaqiijin lahayd damaceeda gurracan ee bad-raadiska ah, iyadoo marar dhawr ah ku hanjabtay inay weerarayso Eretariya si ay ula wareegto dekadda Casab.