Kooxda riddada Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii laba-jibbaartay boobka iyo barakicinta ay ku hayso shacabka masaakiinta ah ee ku dhaqan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Boqolaal qoys oo u badan dad danyar ah ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda ku yaalla xaafadda Buulo Eelaay ee degmada Waaberi, kadib markii ay sheegeen in amar ka soo baxay kooxda riddada lagu faray inay muddo kooban kaga guuraan guryaha.
Dadka ku nool xaafaddan oo ka cabsi-qaba in lagu kor dumiyo guryahooda ayaa durba bilaabay inay isaga qaxaan aaggaasi iyadoo maalmihii u dambeeyey la arkaayay baabuur yar yar oo daabulaysa agabkii dhex yaallay guryahaasi laga barakacay.
Qoysaska qaxaya oo u badan haween, carruur iyo waayeel, ayaa wajahaya xaalad adag, halka qoysaska qaar oo weli aan guurin ay sheegeen inaysan garanayn halka ay u guuri doonaan, maadaama aysan haysan dhaqaale ay ku kireystaan guryo kale ama ay ku bixiyaan kharashka guurista.
Xaalado la mid ah ayaa sidoo kale laga soo sheegay qaybo ka mid ah Yaaqshiid, Kaaraan iyo agagaarka Hotelka Jubba, taasoo dhalisay walaac aad u xooggan oo laga qabo barakac cusub oo ay saameeya qoysaska danyarta ah ee ku nool degmooyinkaasi.
Barakacan sii xoogaystay ayaa muujinaya heerka xarka goosadka ah ee uu maraayo dhul-boobka kooxda riddadu ka waddo magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii u dambeeyey aad loo hadal-hayay in Gurguurte uu mar kale bilaabay in uu soo faago qabuuro ku yaal degmada Hodon.