Ganacsatada iyo sharikadaha badeecadaha kala duwan kala soo dega dekedda Boosaaso ayaa cabasho xooggan ka muujiyey lacago fara badan oo baad ah oo ay kusoo rogtay shirkadda DP Wold ee ay leedahay dowladda riddada ee Imaaraadka Carabta.
Waxa ay sheegeen ganacsatadu, in shirkadda DP World ay si weyn u kordhisay lacagihii baadda ahaa ee ay ka qaadi jirtay badeecadaha kasoo dega dekedda Boosaaso.
Bayaan ay gacansatadu soo saareen ayaa lagu yiri “Nidaamkan wuxuu ganacsatada ku keenaya culays dhaqaale oo aan la awoodi karin, wuxuuna si toos ah u kordhiyayaa qiimaha badeecadaha ee gudaha Puntland.”
Ganacsatadu waxa kale oo ay ka dhawaajiyeen in kororka kharashkaasi uu sidoo kale hoos u dhigay isla markaana uu curyaamiyey awoodda ganacsatada Boosaaso.
Warsaxaafadeedka ayay sidoo kale lagu muujiyey in DP World ay waddo qorshe ka dhan ah dekedda Boosaaso, maadaama kharashaadka badeecadihii kasoo degayey ay cirka ku shareertay.
Arrintan ayay ganacsatadu ka sanqariyeen inay dhaawacayso ganacsiga, isla markaana keenayso in ganacsatadu ay isaga wareegaan dekedda Boosaaso.
Sida lagu xusay bayaanka lacag kasta oo DP World ku kordhiso ganacsatada waa kharash lagu kordhiyey guud ahaan shacabka Puntland, sidaas darteed waxay ku baaqeen in laga hor-tago tallaabadan gurracan.
Shirkaddan oo xukuumadda ashahaado-la-dirirka Puntland ku wareejisay maamulka dekedda 2017-kii, ayaa dhibaato xooggan ku haysa ganacsatada, taas oo sababtay in usbuucyadan u dambeeyey u hakad aan caadi ahayn ku yimaaddo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee guud ahaan deggaannada Puntland.