Wefti uu hoggaaminayo madaxa maamulka gaalla-raaca Somaliland oo muddo ku dhow toban cisho ku sugan dalka Maraykanka ayaa la sheegay in ilaa hadda wax natiijo ah oo la taaban karo uusan kala kulmin maamulka saliibiga ah ee uu hoggaamiyo Donald Trump.
Maamulka Yahuudda ayaa la sheegay in kaalin weyn ay ku leeyihiin socdaalka uu weftiga Somaliland ku tagay Maraykanka, kaas oo ujeedooyinkiisa ugu waaweyn ay ka mid tahay sidii Washington loogu qancin lahaa kala-goynta Soomaaliya iyo aqoonsiga maamulka Hargeysa.
Wargeyska kasoo baxa dalka Ingiriiska ee The Independent ayaa warbixin uu arrintan ka diyaariyey ku xaqiijiyey in Telaabiib ay Washington ka waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay doonayso in lagu aqoonsado maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Sida uu sheegay wargeysku, inkastoo gudaha Maraykanka ay ka socdaan dedaallo lagu xoojinayo aqoonsi-raadinta maamulka riddada ah ee Cirro, haddana weli waxaa adag ayay tiri warbixintu, waddada loo marayo aqoosi laga kasbado dowladda Maraykanka.
Khubaro ku takhasusay gobolka Geeska Afrika ayuu The Independent sheegay inay qabaan in Washington ilaa hadda aysan muujin xamaasad laga dheehan karo inay ku aqoonsanayso gooni-goosadka Somaliland.
Falanqeeye Soomaaliyeed oo wargeysku soo xigtay ayaa carabaabay in Washington aysan weli muujin rabitaan cad oo ay Somaliland ku aqoonsanayso, maadaama arrintu taabanayso siyaasadda gobolka, oo xasaasiyad aad u xooggani ay ka jirto.
Cilmi-baare Itoobiyaan ah oo sidoo kale wargeysku uu soo xigtay ayaa isna ka dhawaajiyey in furitaanka wada-hadal toos ah oo Washington iyo Hargeysa dhex maraa uu yahay tallaabo muhiim ah, balse uusan filayn aqoonsi deg-deg ah oo Maraykanku uu ku dhawaaqo.
Intii murtad Cirro joogay Maraykanka waxa uu shaaciyey inuu diyaar u yahay in 2000 oo askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Hargeysa uu ku xoojiyo ciidamada Yahuudda ee xasuuqqa iyo barakicinta ka wadda Qaza iyo in uu doonayo in Sahaayinadu ay saldhigyo millateri ka samaystaan Somaliland.