Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Cali Khumeyni Iyo Hoggaamiyeyaal Kale Oo La Dilay Iyo Tehran Oo Ku Dhawaaqday Inay Dishay Boqollaal Askar Yahuud Iyo Maraykan Ah.
  • Allposts
  • Warar

Cali Khumeyni Iyo Hoggaamiyeyaal Kale Oo La Dilay Iyo Tehran Oo Ku Dhawaaqday Inay Dishay Boqollaal Askar Yahuud Iyo Maraykan Ah.

March 1, 2026

Waxaa sii kordhaysa colaadda ka aloosan gobolka loo bixiyay bariga dhexe, ka dib markii shalay Maraykanka iyo maamulka sahyuuniyadda Yahuudda ay weerar ballaaran ku ekeeyeen Iiraan.

Telefishinka Iiraan ayaa xalay, abbaaro xilliyadii suxuurta si rasmiya ugu dhawaaqay in la dilay hoggaamiyihii sare ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khaameni, halka wakaaladaha wararka rasmi ah Iiraan ee Tasnim iyo Fars, ay iyaguna si rasmi ah u xaqiijiyeen geerida mas’uulkan.

Saacado ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo R/Wasaaraha Yahuudda Binjamin Netanyahu ay sheegeen in duqeymihii lagu beegsaday Dehraan lagu dilay Cali Khaameni iyo hoggaamiyeyaal kale.

“Waxaan si xooggan oo go’aan leh uga aargudan doonnaa kuwii dilay hoggaamiye Khameyni…Ciidamadeenu waxay ku taagnaan doonaan jidkii hoggaamiyahooda Khameyni, waxayna ku ridi doonaan ciqaab adag kuwii ku soo xadgudbay dalkeena.” Sidaas waxaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Sidoo kale waxaa goor dhawayd la xaqiijiyey in weerarrada Maraykanka iyo Yahuuddu ay ka wadaan Iiraan lagu dilay General Cabdiraxiim Al-muusawi, oo ahaa taliyihii guud ee ciidamada Iiraan, wasiirkii gaashaandhigga S/Guuto Caziiz Nasiir Zaadah, taliyaha Guud ee Ilaalada Kacaanka, Jeneraal Maxamed Baakboor iyo xoghayihii golaha difaaca Iiraan, Cali Shamkhani.

Ibraahiim Dul-ghafaari, oo ah afhayeenka talis taabacsan ilaalada kacaanka Iiraan, ayaa sheegay in ciidankiisu jawaab millatari ka bixiyay weeraro uu ku sheegay kuwa gardarro ah oo uga yimid Maraykanka iyo Yahuudda, halkaas na ay ku dileen boqollaal isugu jirta ciidanka Maraykanka iyo kuwa sahaayinada.

Hadalka ninkan oo ahaa muuqaal lagu baahiyay warbaahinta Iiraan, ayuu ku sheegay inay beegsadeen xarumo muhiim ah oo amni iyo milatari oo ku yaal dhulalka Falastiin ee gumeysiga ku hoos jira, iyo duqeymo uu ku tilmaamay “Hillaac” oo uu sheegay in lagu beegsaday ilaa 14 saldhig oo waaweyn oo Mareykanku ku leeyahay gobolka loo bixiyay bariga dhexe.

Wuxuu tilmaamay in hawlgalladaasi ay ku dileen boqolaal ka mid ah ciidanka Maraykanka iyo sahaayinada, wuxuu xusay in jawaabta dowladdiisu ay ahayd mid xooggan oo go’aan leh, kana dhalatay weerarrada lagu qaaday dalkiisa.

Dhanka kale, war kasoo baxay ciidanka Yahuudda ayaa lagu sheegay in 200 diyaaradood ay ka qayb qaateen duqaymo kala duwan oo ay ku beegsadeen nidaamyada difaaca gantaallada iyo kuwa hawada Iiraan, warka ciidamada gumeystaha kasoo baxay ayaa sidoo kale weerarkaasi ku tilmaamay midkii ugu weynaa taariikhda ee ay fuliyaan ciidanka sahaayinada.

Duqaymahaasi waxay sheegeen inay ku beegsadeen 500 oo bartilmaameed oo ku yaal gudaha Iiraan, waxaa ka mid ah bay dhaheen goobaha sida gaarka loo beegsaday difaacyo iyo goobo laga tuuro gantaallada nooca kuwa riddada dheer.

“Waxaan sii wadaynaa burburinta goobaha gantaallada iyo inaan ka hortagno ridista gantaallada ku wajahan Israa’iil. Waxaan bartilmaameedsannay xubno ka tirsan nidaamka Iran oo ku jiray diyaarinta goob ridis gantaal daqiiqado ka hor inta aysan fulin.” Waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidanka gumeystaha.

Ismaaciil Baqaa’i oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan lana hadlay Skay News ayaa sheegay in duqaymaha Maraykanka iyo kuwa Yahuudda looga dilay saraakiil iyo hoggaaamiyeyaal sare, walow uu sidoo kale xaqiijiyay inay bad qabaan hoggaamiyaha dalkaasi Cali Khumeyni iyo madaxweynaha dalkaasi Mascuud Pezeshkian.

Dhanka kale, wuxuu dembi dagaal ku tilmaamay duqaymo Maraykanka iyo Yahuuddu shalay ku beegsadeen dugsi ku yaal mandiqadda Minab ee dhacda koonfurta Iiraan oo lagu dilay arday badan, wazaaradda tarbiyada Iiraan oo dhankeeda hadashay waxay sheegtay in 86 arday ay ku dhinteen duqaymo ay si wadjir ah Maraykanka iyo Yahuuddu ugu beegsadeen saddex madaraso oo kuyaal gudaha Iiraan.

Benyamiin Netanyahu, ra’iisul wasaaraha Yahuudda, ayaa dhankiisa sheegay in ay jiraan caddeymo aad isu soo taraya oo ku aadan in hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan, Cali Khumeyni, aan lagu tirin karin liiska dadka nool, taasi oo uu shaki ku gelinayo nolasha hoggaamiyaha Iiraan.

Sidoo kale Iiraan waxay xalay qaadday duqaymo loo adeegsaday gantaallo nooca kuwa casriga ah, kuwaas oo beegsaday magaalooyin kuyaal dhulalka ay Yahuuddu xoogga ku haystaan iyo dalalka Khaliijka.

Telefishanka Iiraan wuxuu sheegay in ciidamadoodu rideen gantaalka cusub ee ay ku magacaabeen”Fattaax” oo ah mid xawaare aad u sareeya ku socda, waxay sheegeen in Yahuuddu ku beegsadeen, sidoo kale waxay tuureen mid kale oo ay ku magacaabeen Sijiil.

Gantaalladan qaarkood waxay ku dhaceen Tal-abiib oo ah bartamaha dhulka ay xoogga ku haystaan Yahuudda ee ay leeyihiin reer Falastiin, muuqaallo iyo sawirro xalay lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Tal-abiib oo ay ku hoobanayaan gantaallada sidoo kalena gubanaysa iyo dhaawacyo dad sahaayino ah oo loola cararayo goobaha caafimaad ee dhulalka hoostiisa ka dhisan.

Diyaarado nooca kuwa is-qarxiya iyo gantaallada riddada dheer ayay IIraan sidoo kael xalay ku beegsatay magaalooyinka Khaliijka sida Imaaraadka iyo Baxrayn, mid ka mid ah duqaymaha Iiraan ayaa laga soo calaamadiyay meel u dhow dhismaha lagu sheego kan adduunka ugu dheer ee Burj Khaliifa ee ku yaal Abuu Dubaay.

Sidoo kale Iiraan ayaa xalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku dhufatay dhismaha caanka ah ee hoteelka shanta xiddig ee Burj Al Arab oo ku yaal magaalada Dubai , halkaa oo laga arkay dab ka dhashay goobta ay diyaarada is qarxisa ku dhacday.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka Baxrayn ayaa xaqiijisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan inay xalay ku qarxeen garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Baxrayn, waxaana jira burbur xooggan, waxaanu weerarkan uu noqonayaa garoonkii saddexaad oo ku yaalla khaliijka oo ay Iiraan si toos ah u beegsato, xilli horey garoommada diyaaradaha Dubai iyo Kuwait ay ku qarxeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

Waxay sidoo kale Iiraan diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee is-qarxisa ku beegsatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kuwayd, sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay burburka iyo dhaawacyo ka dhashay duqayntaasi.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -12-09-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 12-09-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -29-10-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -29-10-1447-Hijri

April 16, 2026
Sarkaal Ka Tirsan Villa Somalia Oo La Dilay+Askar Lagu Dilay Gaalkacyo.
  • Allposts
  • Warar

Sarkaal Ka Tirsan Villa Somalia Oo La Dilay+Askar Lagu Dilay Gaalkacyo.

April 16, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-10-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-10-1447 Hijri.

April 16, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada