Hey’adda ACLED oo ururisa xogta dhacdooyinka dagaallada iyo iska-horimaadyada hubaysan ee dunida, ayaa iyadoo muujinaysa walaac xooggan waxay sheegtay, in joojinta taageerada saadka iyo dhaqaalaha ee xafiiska UNSOS ay wiiqi karto awoodda ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Bayaanka Maraykanka ee ah joojinta taageerada ciidamada Afrikaanta ee dabayaaqada sannadkan ayay hey’addu ku sifaysay khatar weyn oo ka dhan ah sii jiritaanka hawlgalka saliibiga ah ee ciidamada isbahaysiga AUSSOM ay ka wadaan dalka Soomaaliya.
Hey’adda ACLED oo fadhigeedu yahay Maraykanka, waxa kale oo ay ka dhawaajisay in hubanti la’aanta dul-hoganaysa taageerada hawl-galka caalamiga ah ee Soomaaliya, ay fursad dheeraad ah siin doonto Geesiyada Tawxiidka Bariga Afrika ee Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Iyadoo hey’addu ka hadlaysa arrintan waxa ay tiri “Hoos u dhigidda awoodda hawlgal ee Midowga Afrika waxay Al-Shabaab u suuragelin kartaa in 2027-ka ay isku fidiso dhul aad u ballaaran, kuna ruqaansato magaalooyinka ay dowladdu maamusho”
ACLED oo warbixintan soo saaratay Arbacadii lasoo dhaafay, ayaa sidoo kale tilmaantay in mujaahidiintu ay gaashaanka u daruureen gulufyadii caalamiga ahaa ee lagu soo qaaday, ku-dhaqanka Shareecadana ay kusoo dabbaaleen dhul aad u ballaaran oo dhaca bartamaha iyo koonfurta dalka.