Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay dagaallo culus oo toos ah ku qaadeen xeryaha ciidamada kufaarta Afrikaanta ee degmada Qoryooley iyo deegaanada kala ah Shalambood Iyo Buur-colow, waxaana halkaas ka dhacay dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku mireen saldhiga maleeshiyaadka murtadiinta ah kaga suganyihiin degmada Jannaale, dhawaqa hubka la isku adeegsanayay dagaalka ayaa si wayn looga maqlayay magaalada iyo duleedkeeda.
Sidoo kale ciidamada mujaahidiintu waxay qarax la beegsadeen ciidamo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta ah oo lug ah, kuna socdaalayay inta u dhaxeysa deegaannada Buufow iyo Shalambood ee ka tirsan Sh/hoose, lama hayo xog intaas ka baxsan oo ku aaddan khasaaraha saliibiyiinta kasoo gaaray qaraxaasi.