Ciidamada saliibiyiinta Ugadana ayaa saakay Salaadi Subax waxay madaafiic ku garaaceen deegaanka Dag-wariiri oo hoostaga degmada Jannaale ee wilaayada Sh/hoose.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah, ayaaa sheegay in madaafiicda ay deegaanka ku garaaceen xilli ay dadka ku jireen salaadda Subax, waxaana halkaas ku shahiiday hal wiil iyadoo ay ku dhaawacmeen haweeney iyo laba wiil oo kale.
Sidoo kale waxay madaafiicdu geysatay khasaare hantiyeed, waxaana kamid ah waxyeello soo gaartay haantii biyaha ee deegaanka, guri iyo gaari burburay, oo ay sii dheer tahay in ay duqeyntu baabi’isay Ari ay lahaayeen dadka deegaanka.