Dagaalyahannada Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa sii xoojiyay gacan ku heyntooda marin Biyoodka muhiimka ah ee Baabul Mandab maalin kadib markii ay la wareegeen magaalada istiraartiijiga ah ee Almukha.
Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in kumanaan katirsan ciidanka Xuuthiyiinta ay saldhigyo ka sameysteen jaziiradaha Miyuun iyo Duubaab oo kaabiga ku haya xeebaha dalka Jabuuti.
Warsaxaafadeed kasoo baxay kooxda isugu yeertay Ansaarallaah oo ah garabka siyaasadeed ee Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in ay ta’miiniyeen marinka Baabul Mandab ayna ciidamadoodu sugayaan ammaanka maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha marinkan.
Muuqaal uu baahiyay teleshinka rasmiga ah ee ku hadla afka Xuuthiyiinta ayaa muujinaya dagaalyahannada oo gaaraya Jaziiradaha Mayuun iyo Duubaab islamarkaana kormeeraya xarumaha lagala socda dhaq dhaqaaqa gaadiidka badda.
Tani ayaa ka dhigan in Xuuthiyiintu ay qiyaastii 25-30 Kiilowmitir ay ujirsadeen xeebaha wadanka Jabuuti ee dhaca geeska qaaradda Afrika.
Dhinaca kale Mareykanka ayaa ganafka ku dhuftay codsi uga yimid dhaxal sugaha Sacuudiga oo ahaa in uu duqeymo laayaan ah ku qaado Xuuthiyiinta qabsaday Baabul Mandab.
Shabakadda Aksiyoos oo soo xiganaysa mas’uul American ah ayaa sheegtay in Trump uu dhaxal sugaha Sacuudiga usheegay in uusan diyaar u aheyn ka qeyb galka weerar ka dhan ah Xuuthiyiinta Yemen.