Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Cirro Oo Maanta Ka Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Talaabiib.
  • Allposts
  • Warar

Cirro Oo Maanta Ka Degay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Talaabiib.

June 14, 2026

Murtad C/Raxmaan-Cirro, madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Somailland ayaa gelinkii hore maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Talaabiib, halkaas oo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Yahuuddu ay si weyn ugu soo dhaweeyeen.

Murtad Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la sheegay in garoonka diyaaradaha ay kaga hor-tageen isla markaan ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiinta sare maamulka Sahaayinada, oo ka mid yahay madaxweynaha Yahuudda, Isaaq Herzog.

Booqashadan oo warbaahinta Yahuuddu ay sheegtay inay tahay bog cusub oo furmay maamullada Hargeysa iyo Talaabiib, ayaa noqonaysa tii labaad ee Cirro uu ku tago halkaasi, maadaama ay jirtay booqasho qarsoodiya oo tan ka horreysay.

Wargeyska The Jerusalem Post, ayaa sheegay in qorshayaasha booqashadan ay ka mid tahay furitaanka safaarad-ku-sheegta maamulka riddada Somaliland ee magaalada Qudus iyo kulamo lagu ballaarinayo arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo wax ay ku sheegeen horumarinta gobolka.

Intaas kadib, waxa la sheegay in Cirro uu kulamo diblomaasiyadeed la yeelan doono madaxweynaha Yahuudda, isla markaana uu maanta ka qayb-gali doono wax lagu sheegay “qado qaran” oo uu la qaadan doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Yahuudda, Jidcoon Sa’ar.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in murtad Cirro muddada uu ku gudo-jiro booqashadiisa uu ubax dhigi doono Mount Herzl oo ah xabaalaha rasmiga ah ee lagu aaso madaxda Yahuudda iyo sidoo kale askarta Sahaayinada ee ku dhimata dagaallada.

Warbixintu waxa kale oo ay sanqarisay in sidoo kale Cirro uu booqan doono Yad Vashem, oo ah xarun lagu xuso xasuuqqii Yuhuudda ee Nazi-gii Jarmalka, kaas oo uu Hitler uu hoggaaminayay intii u dhaxaysay 1933 ilaa 1945.

The Jerusalem Post, waxa kale uu sheegay in Cirro uu sidoo kale inta uu ku gudo-jiro booqashadiisa uu geed ku beeri doono beer weyn oo ku taalla magaalada Qudus oo lagu magacaabo Grove of Nations, taas oo ay leeyihiin ururka deggaamaynta ee Yahuudda.

Berri oo Isniin ah ayuu wargeysku sheegay in Cirro uu sidoo kale la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, iyadoo kulankaasi ka gadaal-na la filayo inuu si rasmi ah xarigga uga jaro safaarad-ku-sheegta riddada Somaliland ee magaalada Qudus.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, C/Raxmaan Cirro waxay booqashadiisu socon doontaa ilaa shan cisho ah, isagoo muddadaasi ay u qorshaysan tahay la-kulanka wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Yahuudda iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal ganacsi.

Sidoo kale Cirro waxa la sheegay inuu booqon doono Knesset oo ah xarunta baarlamaanka Yahuudda iyo sidoo kale goob ay Sahaayinadu ku xusto weerarkii ay Xamaas fulisay 7-dii Oktoobar ee 2023, kaas oo Yahuud fara badan dhegta dhiigga loogu daray.

Maamulka Somaliland tallaabadan uu qaaday ee uu safaaradda uga furanayo Qudus, ayaa ka dhigan in magaaladaasi oo ah qibladii koowaad ee muslimiinta ay u aqoonsadeen caasimadda maamulka sahyuuniga ah ee Yahuudda.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-Dulxijah-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-12-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-02-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-02-1448-Hijri

July 29, 2026
Itoobiya Oo Markale Gaashaanka U Daruurtay Eedaymo Uga Yimid Masar.
  • Allposts
  • Warar

Itoobiya Oo Markale Gaashaanka U Daruurtay Eedaymo Uga Yimid Masar.

July 29, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -15-02-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -15-02-1448 Hijri.

July 29, 2026

Sawirro

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada