Madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland murtad CabdiRaxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku dhaawaqay in uu diyaar u yahay in ilaa 2000 oo askari oo ka tirsan maleeshiyaadkiisa uu ku biiriyo ciidamo caalamiya oo la doonayo in loo diro marinka Qaza.
Sida uu ku warramay wargeyska Yahuudda ee The Jerusalem Post, Cirro ayaa go’aankan sheegay mar uu shalay arbacadii wareysi bixiyay isagoo caasimadda Washington kaga qaybgalaya shir caalamiya oo loogu magac-daray Wadahadalka Bariga Dhexe iyo Maraykanka.
Isaga oo murtad Cirro ka hadlaya arrintan, waxa uu yiri “Haddii Maraykanka iyo Yahuuddu iga codsadaan oo ay i weydiistaan in ciidamo ka socda Somaliland aan ku biiriyo hawl-galka marinka Qaza, diyaar baan u ahay.”
Hawl-galkan Cirro rabo in maleeshiyaadkiisa uu ku biiriyo ayaa ah ciidan caalamiya oo la doonayo in maamulka Yahuudda ay ku gacan-siiyaan xasuuqqa reer Falastiin iyo qabsashada marinka Qaza, kuwaas oo loogu magac-daray Ciidanka Caalamiga ah ee Xasilinta.
Dowladda Saliibiyadda Uganda ee duullaanka macatab-ku-dirirka ah kaga jirta Soomaaliya ayaa iyaduna dhawaan si rasmiya u oggolaatay in 1,200 askari ay u dirto marinka Qaza, si ay qayb uga noqdaan hawl-galkan caalamiga ah ee barakicinta iyo xasuuqqa isugu jira ee ka dhanka ah muslimiinta reer Falastiin.
Duullaankan cusub ee qorshihiisu socdo oo Maraykanku uu hoggaamin doono ayaa loogu talo-galay in qiyaastii 20,000 oo askari la iskugu geeyo Qaza, si ay u xoojiyaan ciidamada Yahuudda ee barakicinta iyo isir-sifeynta ka wada dhulka barakaysan ee muslimiinta reer Falastiin.
Dabayaaqada sannadkii hore ee 2025 ayay ahayd markii R/Wasaaraha maamulka Yahuudda Binjamin Netanyahu uu maamulka gaallo-raaca Somaliland u aqoonsaday dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, iyadoo dhanka kalena la ogaaday in Yahuudda iyo Maraykanku ay saldhigyo millateri ka samaysteen magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera.