Xilli wefti ka socda maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland ay weli ku sugan yihiin Washington, ayaa warbaahinta Maraykanka ee Semefor sheegtay in murtad Cirro uu wax walba miiska saaray si uu aqoonsi uga helo maamulka Donald Trump.
Kuwa loogu yeero maalgashadayaasha Maraykanka ayuu u soo bandhigay inay heli doonaan dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera iyo khayraadka macdanta, isagoo sidoo kalena aan meesha ka saarin suurtagalnimada in Maraykanka loo ballaarin karo fursadaha adeegsiga milatari.
Aqoonsiga Maraykanka ayuu Cirro sheegay in uu yahay waxa ugu weyn ee Somaliland doonayso, isagoo hoosta ka xariiqay in xattaa haddii aqoonisgaasi uu suurtoobi waayo, ay mar walba iyagu diyaar la yihiin in Maraykanka ku wareejiyaan khayraadka iyo istaraatiijiyadda dalka.
Xiriirka dhinaca amniga ee Maraykanku uu horey ula lahaa Somaliland ayuu madaxa maamulka Hargeysa tilmaamay in haatanna uu kasii xoogaysan karo sidii hore, isla markaana uu oggol yahay in Maraykanka iyo Yahuuddu ay dalka ka dhisan karaan saldhigyo millateri oo ballaaran.
C/Raxmaan-Cirro wuxuu sheegay in Somaliland xitaa diyaar u tahay inay garoonka diyaaradaha ee Berbera ay ugu magac-darto madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ama ay Trump ku casuunto inuu Hargeysa ka dhisto dhisme uu sheegay in loogu yeeri doono Trump Tower.
Juqraafi ahaan, Berbera oo laf-dhabar u ah soo jeedinta Cirro, ayaa Semafor sheegtay inay Maraykanka siin karto meel aad uga dhow Badda Cas, oo uu u adeegsan karo saadka, keenista sahayda iyo hawlgallo kale ee millatari ee ka socda agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Baabul-Mandab.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la ogaaday, isla markaana mujaahidiintu ay horey u xaqiijiyeen, in maamullada Yuhuudda iyo Maraykanku saldhigyo milatari ka samaysteen magaalada-marsada istaraatiijiga ah ee Berbera, iyadoo dhismayaasha saldhigyadaasi ay muddo socdeen.