Madaxa maamulka gaala-raaca Somaliland, murtad CabdiRaxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si cad oo aan gabasho lahayn u sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay in magaalada Berbera ay saldhigyo ka siiso maamulka Yahuudda iyo sidoo kale dowladda saliibiyadda Maraykanka.
Waraysi uu murtadkani siiyey wargeyska caalamiga ah ee fadhigiisu yahay Ingiriiska ee The Economist, ayuu ku sheegay in maamulka Somaliland uu diyaar u yahay in Maraykanka iyo Yahuudda uu saldhigyo millateri ka siiyo magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera.
“Waxa aanu doonayna in Somaliland ay noqoto Jabuuti-da cusub…” ayuu yiri murtad Cirro, isagoo ka wada, in gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya uu rabo inuu u beddelo goobo saldhigyo millateri ay ka dhigtaan kuffaarta caalamka, gaar ahaan Yahuudda iyo Maraykanka.
Wargeysku wuxuu xusay hanjabaadaha Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo sheegay inay weerari doonaan saldhig kasta oo ciidan oo Yahuuddu ka samaysato Somaliland isaga oo ka digay in saldhig Maraykan ah oo halkaas laga sameeyo uu isna noqon karo bartilmaameed.
Waxa kale oo wargeysku uu intaas ku daray, in si weyn loo rumaysan yahay in helitaanka xarumo millateri oo ku dhow Berbera uu qayb ka ahaa heshiiskii ay Yahuuddu la gashay Somaliland markii ay dal madax-bannaan u aqoonsatay bishii December.
The Economist waxay ka dardaar-werisay in haddii Somaliland ay martigeliso saldhigyo ciidan oo shisheeye, ay taasi dhaawici karto sumcadda nabadda iyo xasilloonida ee ay muddo dheer ku dhisaysay dooddeeda ku aaddan aqoonsi caalami ah.
Intii uu ku gudo-jiray waraysiga, murtad Cirro waxa uu ka dhawaajiyey in bisha soo socota uu booqan doono Washington, isaga oo rajaynaya inuu kulan fool-ka-fool ah la yeesho Madaxweynaha Maraykanka saliibiga lagu magacaabo Donald Trump.
Madaxa maamulka Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay filayso in Maraykanku mustaqbalka aqoonsado, isaga oo intaa ku daray in xukuumaddiisu rajaynayso in ugu yaraan hal waddan oo kale uu Somaliland ictiraafo ka hor dhammaadka sannadkan.
Xiriirka nidaamyada riddada ee Muqdisho iyo Hargeysa ayuu wargeysku sheegay inuu sii xumaaday, isla markaana uu fashilmay isku-day muddo dheer socday oo Turkigu ku dhex-dhexaadinayay labada dhinac, xilli Ankara ay xiriir dhow la lahayd maamulka Muqdisho.
Cirro oo arrintaasi soo hadal-qaaday ayaa carab-dhabay in haddii mar kale la isku dayo in la isu soo hor-fariisiyo maamullada Hargeysa iyo Muqdisho, Somaliland ay wada-xaajoodka ka qayb-geli doonto oo keliya haddii kulamada wada-hadallada lagu qabto magaalada Talaabiib.
Waxa kale oo Cirro ka sanqariyey in maamullada Muqdisho iyo Jabuuti ay doco-docayn amni ka wadaan deggeenno ka tirsan bariga iyo galbeedka Somaliland, isagoo arrimahaasi ku tilmaamay tallaabooyin ka dhan ah nabadda gobolka.
Waraysigan ayaa markhaati-fur u ah isla markaana bannaanka keenay jiritaanka qorshayaasha dhagaraysan ee maamullada Yahuudda, Maraykanka iyo Imaaraadkuba ay ka wadaan waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Berbera.