Murtad Xasan sheekh Maxamuud, madaxa kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa saaka ciidamo badan dul-dhigay shacabka degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda Tookiyo ee magaalada Muqdisho.
Maleeshiyaadkan ayaa difaacaya dhul-boob kooxda Riddadu ka waddo xaafaddaasi, balse shacabka ayaa ka biya diidan oo bannaanbaxyo dhigaya.
Shacabka ayaa xirtay jidka isku xira Sanca iyo Fagax, waxayna taayirro ku gubeen laamiga dheer ee halkaasi mara.
Gaadiidka ayay shacabka u dideen inay saaka isticmaalaan waddadan, si ay u hakiyaan dhul-boobka Xasan sheekh, cagafta iyo maleeshiyaadka Riddada ayaa weli dhooban xaafadda Tookiyo.
Shacabka diidan in la barakiciyo oo toos usoo tabinaya isku soo baxyada ka dhankaah dhul-boobka, ayaa sheegay in Xasan sheekh adeegsanayo awood walba si uu u barakiciyo shacabka masaakiinta ah.
Maleeshiyaadka Riddada ayaa rassaas ku furay shacabka careysan ee dhulalkooda la boobayo, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay sawirka mid ka mid ah dhalinyarada ku dhaawacmay rassaastaasi.
Sidoo kale muuqaal qabsaday baraha bulshada, ayaa muujinaya maleeshiyaad murtadiin ah oo toos u tooganaya dad rayid ah oo dhulalkooda lagu haysto, Sawirro xalay lasoo qaaday ayaa muujinayay carruur yaryar oo dhagxaan ku difaacanaya dhulalkooda, shacabka xaafadda Tookiyo ayaana billaabay inay isaga barakacaan guryahooda.
Kooxda Riddada, ayaa isticmaaleysa awood ciidan si ay u dumiso guryaha dadka shacabka ah degganyihiin ee kuyaal xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid, shacabka xaafaddan ayaa sheegay inay saaka ku waabariisteen maleeshiyo badan oo la dul-dhigay iyo cagafyo la geliyay guryahooda.