War goordhow soo dhacay ayaa xaqiijinaya in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabab saaka si nabad ah kula wareegeen deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan, halkaas oo maalmihii u dambeeyay maleeshiyada ku sugan ay wajahayeen xaalad qoobgariir ah.
Waxay ciidamada mujaahidiintu gudaha u galeen deegaannada kala ah Gumarre, iyo Xagare oo hoostaga degmada Moqokori ee bariga wilaayadda Hiiraan, kaddib markii ay halkaasi isaga carareen maleeshiyaadkii Riddada ee ku sugnaa.
Deegaanka Gumarre ee mujaahidiintu la wareegeen ayaa qiyaastii 9 km u jiraa Moqokori, halka deegaanka Xagaree oo saaka mujaahidiintu galeen uu qiyaastii 12 km u jiro degmada istaraatiijiga ah ee Moqokori.
Hoos ka daawo sawirrada sida mujaahidiintu ula wareegeen deegaanka Gumarre.