Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dab xooggan oo ka kacay suuqyo ganacsi oo kuyaal magaalooyin dhaca dalka Kenya oo ay ka mid tahay caasimadda Nairobi.
Dabka koowaad ayaa baabi’iyay dukaamo ku yaalla Kapiti oo ka tirsan xaafadda South B, ee magalada Nairobi, waxaana uu dabku ku fiday dhismayaal ganacsi oo ku dhow xaafadaasu.
Dhanka kale, Suuqa Kibuye ayuu dab kale oo xooggan ka kacay, wuxuuna gaystay khasaaro kala duwan sida ay sheegeen ganacsatada suuqa.
Ilo wareedyo maxalli ah, ayaa sheegay in dabku baabi’iyay badeecooyin iyo hanti ay lahaayeen ganacsatada suuqan, burbur iyo khasaare dhaqaale oo kala duwan ayaa goobta laga soo tabiyay.