Dagaal xooggan ayaa saaka ka qarxay gudaha Baydhabo ee xarunta gobokla Baay, kaas oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka C/Casiis Laftagareen iyo kuwa Gurguurte ee xoogga ku qabsaday magaalada.
Sida ay wararku tibaaxayaan dagaalkan ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaadka Laftagareen ay saaka ku waabariisteen qaybo ka mida magaalada, waxaanay goob-joogayaal warbaahinta la hadlay ay sheegeen in ay maqleen daryanka rasaasta iyo madaafiicda culus.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo kooxda Laftagareen afhayeen u ah ayaa goor dhawayd bartiisa xiriirka bulshada soo dhigay qoraal kooban oo uu ku sheegay in maleeshiyaadkoodu ay saaka si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta magaalada Baydhabo.
Sida ay sheegayaan warar madax-bannaan oo aanu helnay, maleeshiyaadka Laftagareen oo ku dhawaad saacad maamulayay qaybo ka mida magaalada, ayaa dib loo riixay kadib markii maleeshiyaadka Gurguurte ay heleen gurmad xooggan.
Waxaa jira muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada oo muujinaya maleeshiyaadka Laftagareen oo aad u hubaysan kuna dhex roondaynaya qaybo ka mida xaafadaha magaalada Baydhabo.
Dhinaca kale, maleeshiyaadka Gurguurte ayaa yaguna shaaciyey in dagaalkan saaka ka qarxay gudaha Baydhabo ay kula wareegeen gaari qori saaran yahay oo Cabdi Bile ah, magaaladana ay ka saareen maleeshiyaadkii Laftagareen.
Sidoo kale waxaa baraha bulshada lagu faafiyey maydadka maleeshiyaadkii ku nafwaayey dagaalkan saaka ka dhacay gudaha Baydhabo, iyadoo taageerayaasha Gurguurte ay sheegayaan inay yihiin maydadkii maleeshiyaadka Laftagareen.
Si kastaba, weerarkan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay maleeshiyaadka taabacsan C/Casiis Laftagareen ay abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo millateri ka wadeen koonfur galbeed, gaar ahaan duleedka magaalada Baydhabo.