Dagaallo culus oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Teedaan ee wilaayada Hiiraan ayaa si wayn loogu jabiyey dhowr jeer maleeshiyaadka Riddada, waxaana dagaalladaasi lagu dilay askar murtadiin ah, halka kuwa kalena lagu dhaawacay, maleeshiyaad nool na gacanta looga dhigay murtadiinta.
Inta la hubiyay waxaa dagaalladan lagu dilay 5 askari oo murtadiin ah, waxaana lagu dhaawacay 4 kale, sidoo kale waxaa dagaaladaasi lagu qabtay maxaabiis murtadiin ah kuwaasi oo gacanta Mujaahidiinta ku jira, waxaa kaloo lagu soo qaniimeystay 4 qori oo AK-47 iyo booshashkooda iyo qori RBG ah.
Waxaanu helnay magacyada maleeshiyada murtadiinta ee lagu dilay dagaalladaasi waxaa kamid ah, Xusuleey Faarax Cilmi Ciyow oo ahaa sarkaal murtad ah, Cali Xasan Cilmi (Cali Jareere), Maxamed Dheere, Saacid iyo Nacnac
Maleeshiyaadka murtadiinta ee lagu dhaawacay dagaalladaasi oo aan iyagana magacyadooda helnay waxaa ka mida, Dhagnas, C/kariim Jeceelow iyo Xaashi oo ah sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka Riddada ee Danab.