Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada millatariga Itoobiya iyo maleeshiyada jabhadda xoreynta dadka Tigreegga ee TPLF, ayaa ka qarxay meel aan ka fogeyn xuduud-beenaadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Suudaan.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dagaalku ka billowday dhanka Wolqeyti iyo Humera oo kuyaal xuduud beenaadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan.
Waxay si gaara xabaddu uga bilaabantay aagga Sharaaro, ciidamada Lugta, kuwa cirka iyo kuwa qalabka culus ku gaashaman ayuu nidaamka Abiy ka howlgeliyay aaggaasi, waxayna wararku sheegayaan in dagaalka qarxay ay Itoobiya u adeegsanayso diyaarada dagaalka sida kuwa Drones-ka.
Wargayska Borkena oo soo oo soo xiganaya bayaan rasmi ah oo ay maanta soo saartay jabhadda TPLF ee uu fadhigeedu yahay Maqalle, ayaa sheegay in jabhaddu shaacisay dagaalka ballaaran ee ka qarxay gobolka, maamulka Abiy ayay ku eedeysay inuu qaaday weerar ka billowday jiidda bari ee xadka cafarta.
Bayaanka TPLF, ayaa lagu sheegay in dagaalku bilaabmay aroornimadii hore ee saaka, waxay ujeedka weerarka ku sifeeyeen mid lagu doonayo in lagu cabburiyo madaxbannaanida maamulka Tigray.
TPLF waxay ku eedaysay dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed, inay jebisay waxay ku sheegtay xeerarka caalamiga ah, iskuna dayday inay si xoog ah ku burburiso hay’adaha amniga gobolka ka hor weerarka maanta ka qarxay gobolkaasi.
Weerarka maanta qarxay ayay isku sifeeyeen dagaal saf-ballaaran oo uu nidaamka Abiy aad ugu soo diyaar garoobay, kuna doonayo in lagu tir-tiro TPLF.
Shacabka Tigreega ayay jabhaddu ugu baaqday inay feejignaan amni muujiyaan, xogaha hawlgalka milatarina ay si joogto ah u bixin doonaan saraakiisha amniga.