Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan Kenya Oo Ku Baaqay In Ciidamada Kenya Somaliya Laga Saaro.
  • Allposts
  • Warar

Dhageyso Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan Kenya Oo Ku Baaqay In Ciidamada Kenya Somaliya Laga Saaro.

February 4, 2017

Kulbiyow_049Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xizbiyadda siyaasadda ee dalka Kenya ayaa ku baaqay in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya, maalma un ka dib markii uu dhacay weerarkii lagu hoobtay ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaaday xeradii ciidamada saliibiyiinta Kenya ee deegaanka Kulbiyow.

Xogayaha guud ee xizbiga Dimuquraadiga ee dalka Kenya Jocob Hajji ayaa war saxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaga dalbaday in si deg deg ah ciidamadooda looga soo saaro Soomaaliya, Isagoona tilmaamay in ciidamada Military-ga ay tobaneeyo askartooda ka mid ah ku waayeen weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Kulbiyow.

Wuxuu tilmaamay in weerarkii ugu dambeeyey uu ka argigixiyey dad badan oo Kenyan ah, uuna keenay in shaki iyo su’aallo la geliyo awoodda ciidamada Kenya u leeyihiin in ay sii wataan howlgalkooda Military iyo dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya.

“Dadka Kenyaatigu wey ka daaleen wararka ku saabsan dhimashada ee Askartooda ka soo gaaraya weerarada ay kala kulmayaan argigixisada ee ku qabsanaya wadamo aysan iyagu lahayn” ayuu yiri Jocob, isagoona sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dib u eegis lagu sameeyo sii joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Wycliffe Oparanya ayaa isna sidaas si la mid ah ku baaqay in ciidamadooda laga soo saaro  Soomaaliya, Isagoona sheegay in hadda la joogo waqtigii ciidamadooda laga soo daadgureyn lahaa Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Kenya ay weysay askar badan tan iyo markii uu bilowday duulaankii ay ciidankooda ku galeen Soomaaliya.

“Waxaan taageerayaa in ciidamadeena laga soo saaro Soomaaliya. Askar badan ayaa ku weynay dagaalada ka socda Soomaaliya, mana dooneyno in arintan ay sii socoto” ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu dowlada Kenya ka dalbaday in ay diyaariso istaraatiijiyad ciidanka looga soo saarayo Soomaaliya.

Ra’isul Wazaarihii hore ee dalka Kenya, ahna hogaamiyaha mucaaradka ee dalka, Raila Odhinga ayaa isagana dhankiisa taageeray qorshahan wuxuuna sheegay in qorshahan ay ku cadaadin doonaan xukuumada Kenya.

Xildhibaanka lagu magacaabo Benjamin Washiali oo isna laga soo doorto  magaalada Mumias ee galbeedka dalka Kenya ayaa Raila Odhinga iyo mucaaradkaba ka dalbaday in ay xildhibaanadooda ay ka dhaadhiciyaan sidii arintan lagu hor keeni lahaa baarlamaanka, go’aana looga gaari lahaa.

“Go’aankii lagu ansixinayey in lagu duulo Soomaaliya waxaa meelmariyey baarlamaanka dalka Kenya, Sidaas darteed mucaaradku waa in uu hadda xubnaha kaga jira baarlamaanka ka dhaadhiciyaa sidii baarlamaanka loo hor keeni lahaa qorshaha ah in ciidankeena aan ka soo saarno Soomaaliya, go’aanku ma ahan talaabo uu qof kaliya qaadi karo” ayuu yiri.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.

Calamada.com

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Sarkaal Iyo Askar Ka Tirsan Maamulka Axmed Madoobe Oo La Qarxiyay.
Next: Roobab Ka Curtay Gobalo Ka Tirsan Dalka Somaliya.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada