Kumanaan kun oo ruux ayaa iskusoo baxyo ka dhigay waddooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho waxayna ka cabanayeen dhaqaala xumada dalka ka taagan iyo kadeedka ay ku hayaan murtadiinta.
Dadka iskusoo baxyada dhigayay ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Xasan Gurguurte oo ah hoggaamiyaha kooxda ridada Soomaaliya kaasi oo ay ku eedeeyeen in uu halis gelinayo nolosha malaayiin qof Soomaali ah.
Iskusoo baxayaasha ayaa ugu horrayn socod kusoo maray isgoyska Lambar Afar ee degmada Hodon waxayna gacmaha ku wateen malaayiin lacago shilin Soomaali ah oo dhowaan laga diiday magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.
Diididda lacagta shilin soomaaliga ayey dadka dibad baxyada dhigayay ku sheegeen in ay hubanti la’aan gelisay dhaqaalaha dalka islamarkaana ay damisay dabka malaayiin qoys danyar ah.
Kooxda Riddada ayay ku eedeeyeen in ay kaalin ku leedahay diidmada lacagta shillinka Soomaaliga maadaama ay lacagaha canshuuraha ah ku qaadayso oo kaliya lacagta Dollar-ka.
Saacado kadib dibad baxy ay soo abaabuleen Bajaajleyda ayaa ruxay degmooyinka gobolka Banaadir, darawallada gaadiidleyda ayaa ka cabanaya lacagaha xad-dhaafka ah ee saraakiisha kooxda Riddada ay ka qaadaan.
hoggaamiyaasha iskusoo baxyada ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay banaanka usoo wadabaxaan ayna hubka qaataan haddii Xasan Gurguurte uu xilka ka degi waayo bartamaha bishaan.
Dhinaca kale maleeshiyaadka murtadiinta ayaa rasaas u adeegsaday shacab iskusoo baxyo ka dhigayay deegaanka Tareedishe ee duleedka Muqdisho.
Dadkan ayaa ka cabanayay dhulboob ay maleeshiyaadka murtadiintu ay halkaas ka wadaan,xildhibaanno katirsan golaha dawaaqiidda oo xasan Gurguurte uu warqado soo siiyay ayaa boobaya dhulka shacab ah, dhammaan dadka heysta dukumiintiyadii dowladihii cabdiqaasim iyo Maxamed Siyaad Barre ayaa dhulalkooda laboobayaa.