Kadib markii ay dowladda Riddada Turkiga sare uqaadday xasuuqa ay ugeysanayso shacabka Soomaaliyeed ayay billaawdeen mudahaaraadyo loogasoo horjeedo joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya.
Degmooyinka Dooloow iyo Garbahaarey oo katirsan wilaayada Gedo waxaa isugusoo baxay boqolaal kamid ah shacabka soomaaliyeed waxayna kasoo horjeedeen faragelinta Turkiga ee dalka Soomaaliya gaar ahaan duqeymaha aan kala sooca laheyn ee uu ka geysanayo deegaannada dhaca Koonfurta dalka.
Dadka iskusoo baxay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Turkiga oo ay ku caddeynayeen in uu yahay cadow halis gelinaya jiritaanka shacabka Soomaaliyeed iyo dhaqaalahooda.
Dowladda Riddada Turkiga oo taageero indha la’aan ah siinaysa kooxda Ridada Soomaaliya ayaa xasuuqeeda ka dhanka ah gaarsiisay intabadan gobollada dalka Soomaaliya.
Bishii lasoo dhaafay ayay Turkigu kalluumeysato soomaaliyeed ku xasuuqeen xeebaha gobolka Nugaal ee waqooyi Bari Soomaaliya.
Sidoo kale diyaaradaha Turkiga ayaa qeyb ka ah dhulboobka baaxadda leh ee maleeshiyaadka kooxda Ridada ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.