Mudaaharaadyada ka dhanka ah faragelinta dowladda Riddada Turkiga ay ku hayso arrimaha Soomaaliya ayaa weli ka socda qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya.
Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay iyo horraantii bishan sare uqaaday duqeymaha ay ka geysanayaan gobollada waqooyi Bari Soomaaliya iyo gobollada Koonfureed arrinkaas oo sare uqaaday carada shacabka soomaaliyeed.
Maalintii 3aad oo xiriir ah dibad baxayo ballaaran ayaa ka dhacay degmooyin iyo deegaanno katirsan gobollo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.
Dibad baxyadan ayaa lagu diidanyahay xasuuqa ay diyaaradaha Turkiga ugeysanayaan shacabka soomaaliyeed iyagoo taageero siinaya Kooxda Ridada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Gurguurte.
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in iskusoo baxyo ay ka qeyb galeen kumanaan qof ay ka dhaceen degmada Dhoobleey iyo deegaannada hoos yimaad.
Shacabka iskusoo baxaya ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dowladda daalimadda Turkiga ee caadeysatay boobka kheyraadka dalka iyo xasuuqa shacabka.
Qeybaha kala duwan ee bulshada Dhoobleey oo fagaraayaasha ka hadlay ayaa muujiyay shucuurkooda ku aaddan xasuuqa ay diyaaradaha Turkiga ka wadaan Soomaaliya waxayna ku baaqeen hal meel loogasoo wada jeesto dowladda Turkiga iyo kooxda Ridada.
dibad baxyo kuwaan lamid ah ayaa horay uga dhacay magaalooyin ay kamid yihiin Dooloow,Garbahaarey Kismaayo iyo Afmadoow waxaana dhammaantood lagu diidanaa duqeymaha Turkigu ka wado Soomaaliya.