Maaalintii 2aad oo xiriir ah degmooyin iyo deegaanno dhaca koonfurta dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay iskusoo baxyo ballaaran oo lagu diidanyahay duqeymaha aan kala sooca laheyn ee diyaaradaha dowladda Riddada turkigu ay ka geysanayaan Soomaaliya.
Dad isugusoo baxay magaalooyin ay kamid yihiin Kismaayo,Afmadoow iyo dhooblleey oo dhammaatood katirsan gobolka Jubbada hoose ayaa si kulul ucambaareeyay xasuuqa ay diyaaradaha Turkiga ka geysteen gobollo ay kamid yihiin Baay,shabeellooyinka,Nugaal iyo Gedo.
Iskusoo baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Erdogaan madaxweynaha Turkiga iyo Xasan Gurguurte oo ay ku eedeeyeen in ay ku heshiiyeen boobka dhaqaalaha dalka iyo xasuuqa shacabka soomaaliyeed.
Odayaal dhaqameedyo iyo dumar fagaarayaasha ku sugnaa ayaa ku baaqay in soomaalidu ukacaan beegsiga masaalixda Turkiga ee caalamka si loogu qasbo in uu joojiyo duqeymaha ay diyaaradihiisu ka geysanayaan dalka.
Sabtigii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay dibad baxyo kuwaan lamid ah ka dhaceen degmooyin katirsan gobolka Gedo.