Gaari xamuul ah oo sida la sheegay siday in ka badan 41 tan oo gargaar cunto ah ayaa Axaddii shalay diyaarad nooca aan duuliyaha lahay ee loo yaqaan Drone-tu ku duqaysay deegaanka Swudey ee waqooyiga galbeed ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.
Gabar yar oo 13 jir ah ayaa la xaqiijiyey in weerarkan ay ku dhaawacantay, halka gaarigii iyo raashinkii uu siday-ba ay isla goobtii ku basbeelleen.
Sida ay wararku tibaaxayaan, gaarigan la duqeeyey wuxuu ka soo baxay caasimadda gobolka Tigrey ee Mekelle, wuxuuna gargaar u waday dadka barakacayaasha ah ee ku jira xero ku taalla magaalada Sheraro ee dhacda waqooyiga galbeed ee gobolka Tigrey.
Maamulka gobolka Tigray wuxuu sheegay in weerarkani yahay kii ugu dambeeyay ee weerarro taxane ah oo gobolka ka socda sannadkan 2026, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda TPLF.
Shalay ayay ahayd markii jabhadaha ugu tunka weyn ee ka dagaallama gudaha Itoobiya oo ay ku mid yihiin Fano iyo TPLF ay ku dhawaaqeen isbahaysi ballaaran oo ka dhan ah xukuumadda Addis Ababa ee garwadeenka uu ka yahay R/Wasaare Abiy Axmed.