Ugu yaraan 50 qof oo tahriibeyaal ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa loo badinayaa inay ku dhinteen Badda Mediterranean-ka kadib markii doon macmal ah oo ka samaysan alwaax ay ku rogmatay xeebaha bari ee dalka Liibiya.
Musiibadan oo dhacday talaadadii lasoo dhaafay, ayay wararku tibaaxayaan in ay ka badbaadeen oo kaliya 10 ruux, kuwaas oo laga helay meel u dhow Jasiiradda Al-Bardaa, oo qiyaastii 70 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Tubruq, oo ku dhow xadbeenaadka Liibiya iyo Masar.
Ilo amni oo codsaday in magacyadooda aan la shaacin oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in doontu ay sidday ku dhowaad 60 qof oo tahriibeyaal ah, kuwaas oo ka kala yimid dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii badbaaday, doontan ayaa safarka bilowday subaxnimadii hore ee Talaadada. Iyado dhanka kalena kooxaha samatabbixinta ee Tubruq ay Isniintii ka horreysay soo heleen afar meyd oo tahriibeyaal ah.
Kooxaha samatabbixinta Tubruq ayaa sidoo kale isla maalintaasi ku guulaystay in nolol ay kusoo helaan 24 qof, kadib markii doontii ay ku tahriibayeen laga helay iyadoo ku dhex sabbaynaysa biyaha Liibiya muddo laba toddobaad ah, sida ilaha amnigu ay sheegeen.
“Doontu waxay sidday 28 qof oo tahriibeyaal ah kuwaas oo la kulmay xaalado aad u adag, iyagoo saarnaa doon duugowday oo burbursan, taas oo sababtay in afar qof ay u dhinteen xaaladahaasi,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha amni ee ay waraysatay Reuters.
Bishii Juun ee lasoo dhaafay, ayay ahayd markii mas’uuliyiinta Tubruq ay soo heleen maydadka ku dhowaad 26 ruux oo tahriibeyaal ah kadib markii doon ay la socdeen ay ku rogmatay meel u dhow isla magaalo-xeebeedka Tubruq oo dhacda bariga Liibiya.