Wararka ka imaanaya magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaaliya, ayaa sheegaya in dooni u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed ay ku gubatay dekadda magaaladaasi.
Doonida oo sidday agabyo kala duwan oo isugu jira bagaash iyo gaadiid ay leeyihiin ganacsato iyo shakhsiyaad, ayaa xalay waxay ku gubatay dekadda magaalada Berbera, waxaana debku uu inta badan burburiyay agabyadii saarnaa doonida.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu jiro khasaare badan oo soo gaaray dadkii ay doonidu urarnayd, kuwaas oo khasaaraha soo gaaray ku sheegay in uu ka dhashay gaabis ka yimid maamulka Ashahaada la dirirka ah ee halkaaasi ka arrimiya.
Waxay dadkii dhacdadan ku hanti beelay ka dhawaajiyeen in doonidu muddo ka badan 10 maalmood ay ku xannib-nayd dekadda Berbera, kolkii uu dabku qabsadayna dekadda laga saaray oo lagu sii daayay badda, halkii gurmad loo fidin lahaa, sidaas na uu ku yimid khasaaraha maaliyadeed ee baxaadda leh ee shilka ka dhashay.
Mid ka mid ah dadka hantidooda ku waayay dhacdaadan oo lagu magacaabo Mustafe, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay nuqul ka mid ah ku yiri” Doontu waxay dekedda taagnayd muddo ka badan 10 maalmood, iyadoo hantidii ganacsatada saarnayd ay halkaas ku xanibnayd. Ugu dambayn, nasiib-darro, dabkii ayaa qabsaday doontii, waxaana ku burburtay hanti badan oo ay dadweynuhu lahaayeen, waxa ka sii xanuun badan in aan la helin gurmad iyo samatabixin wax ku ool ah oo lagu badbaadiyo hantidaas. Doontii oo gubanaysa ayaa badda loo sii dhex daayay, ilaa saaka ay weli ku dhex gubanaysay badweynta”.
Wuxuu intaas ku daray in uu shakhsiyaddiisa musiibadan ku waayay gaari uu dhowaan kasoo iibsaday dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta, balse ganacsato Soomaaliyeed ayaa hanti fara badan ku waayay shilkaasi.
Maamulka Ashahaada la dirirka Somaliland oo ku fashilmay in uu hakiyo dabka doonida ka kacay, ayaa sheegay in uu dabkaasi damiyay, balse muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay raadadka daasado caano ku jiraan oo laga soo saaray doonida ay ku hanti beeeleen ganacsatada Soomaaliyeed.