Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqaymo dhanka cirka ah oo laga soo tabiyay deegaan dhaca woqooyiga Itoobiya, halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxaysa dowladda Itoobiya iyo Fallaagada TPLF.
Warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya waxay sheegtay, in ugu yaraan 3 qof oo shacab ah oo uu ku jiro ilmo yar ay ku dhinteen, halka ugu yaraan 4 kalena ku dhaawacmeen duqeymahn diyaaradeed oo ay gaysatay diyaarad nooca Drone-ka, taasi oo beegsatay deegaanka Showmiit ee dhaca ismaamulka Tigray.
Ilo wareedyo deegaanka ah, ayaa xaqiijiyay in duqeymuhu beegsadeen guryo ay dad shacab ah degganyihiin oo kuyaal deegaanka, xubno ka tirsan saraakiisha Tigreega ayaa sidoo kale xaqiijiyay tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacyada qaba.
Beegsiga shacabka waxaa si toos ah loogu eedeeyay dowladda xabashida Itoobiya ee uu Ra’iisul wasaaraha u yahay Abiy Axmed, dadka deeganka iyo masuuliyiinta TPLF ayaa dowladda ku eedeeyay inay u bareertay beegsiga shacabka aan hubeysnayn.