Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Fadeexo Ka Dhalatay Hooyo Ku Hor Umushay Mid Ka Mid Ah Cisbitaallada Ay Maamusho Kooxda Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Fadeexo Ka Dhalatay Hooyo Ku Hor Umushay Mid Ka Mid Ah Cisbitaallada Ay Maamusho Kooxda Gurguurte.

November 8, 2025

Waxaa marba marka kasii dambaysay isa soo taraaya dhacdooyinka murugada leh ee kooxda arxan-laawayaasha ah ee Riddada Soomaaliya ay kula kacayso shacabka masaakiinta ah ee ku nool magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa la ogaaday dhacdo  hor leh oo fajac iyo amakaag ku reebtay bulshadda Muqdisho, kadib markii lagu war-helay, hooyo Soomaaliyeed oo ku hor umushay mid ka mida cisbitaallada ay maamusho kooxda Riddada Gurguurte, kaddib markii la diiday in loo fidiyo adeeg deg-deg ah, isla markaana dibadda looga saaray cisbitaalka.

Goob-joogayaal u warramay warbaahinta ayaa sheegay in hooyada oo fool ah kuna sugan xaalad halis ah loola cararay cisbitaalka Banaadir oo ah goob caafimaad oo ay maamusho kooxda Gurguurte, balse hooyadaasi la diiday in loo fidiyo wax gurmad ah, waxaana lagu amray in bannaanka ay ka joogto cisbitaalka.

Hooyada oo sida la sheegay ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Muqdisho, ayaan haysan kharash ku filan oo ay isaga bixiso adeeggaasi caafimaad, waana sababta keentay ayaa la yiri in laga saaro cisbitaalkan ay gacanta ku hayso kooxda Riddada ee Villa Somaliya.

Sida ay sheegeen dad goobta joogay, markii hooyada loo diidday in irridda ay foodda geliso, waxay ugu dambeyn ku hor umushay albaabka weyn ee cisbitaalka, iyadoo ay caawinaysay haweeney waayeel ah oo goobtaasi maraysay ayna u adkaysan wayday xaaladda khatarta ah ee hooyadaasi ay ku sugnayd.

Muuqaal aad looga argagaxay oo laga duubay hooyadu markii ay foolanaysay ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshadda. Waxaana laga dhex-maqlayaa catawga hooyada iyo qaylo-dhaanta qof ka mida dadkii dhacdadaasi goob-joogga ka ahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ilmaha yar uu ku dhashay xaalad adag, hooyaduna ay wajahday dhiig bax aad u daran, kadib markii kooxda cisbitaalku ay albaabada ka xirteen kana gaabsadeen xattaa in ay dhiig-joojin kaliya u sameeyaan.

Murtad Cali Xaaji Aadan oo ah Wasiirka kooxda Gurguurte ugu magacaaban Wasaaradda caafimaadka ayaa afkiisa ka qiray dhacdadaasi foosha xun ee ka dhacday afaafka hore ee cisbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Wasiirkan murtadka ah, ayaa horay u sheegay in uu lacag ka dhigay qaar ka mid ah cisbitaallada danta guud ee kuyaal magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Cisbitaal Banaadir, kuwaas oo horay bulshada si bilaash ah ugu adeegi jiray.

Xaalka bulshadda muslimiinta ah ee ku nool deggaannada ay gacanta ku hayaan kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa maraaya meeshii ugu xumayd, waxaanay dhacdadani ku soo aadaysaa xilli ay tiro-beel noqotay lacaga baadda ah ee laga qaado bulshadda, isla markaana uu xarkaha goostay dilka, boobka iyo barakicinta ay kooxda riddadu ka waddo magaalada Muqdisho.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -17-05-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -18-05-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri

April 21, 2026
Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.

April 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.

April 21, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada