Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Fano Oo Sheegtay Inay Dishay Kornayl Ka Tirsanaa Ciidanka Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Fano Oo Sheegtay Inay Dishay Kornayl Ka Tirsanaa Ciidanka Itoobiya.

January 2, 2025

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in markale dagaallo lagu hoobtay ay ka dhax qarxeen kooxaha mucaaradka Amxaarada iyo ciidamada Federaaliga Xabashida ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Dagaallo saacado badan qaatay ayaa lagasoo sheegayaa gobolka Wallo ee dhaca waqooyiga ismaamulka Amhara halkaas oo ku dhowaad 2 sanadood xiriir ah ay loollano cusub ka socdaan.

War rasmi ah oo kasoo baxay jabhadda Amxaarada ee loo yaqaan Faano ayaa lagu sheegay in dagaallo dhacay saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay saraakiil sarsare oo katirsanaa melleteriga itoobiya.

Miira Waadjo oo ah hoggaamiyaha jabhadda Faano ee mandiqadda Wallo ayaa xaqiijiyay in dagaalyahannadoodu ay dileen Korneyl Tiika Mekoobo Muxamed oo ahaa taliyihii qeybta 48aad ee ciidanka Itoobiya.

Sawirro ay mucaaradka Amxaarada faafiyeen waxaa ka muuqday sawirka taliyaha ladilay,aqoonsiyadiisa iyo qalabkii isgaarsiinta ee uu isticmaalayay balse sooma muujin meydka Korneyl tiika.

Madaxa siyaasadda ee jabhadda Faano ayaa isna xoojiyay sheegashada ku aaddan dilka taliyihii firaqada 48aad ee melleteriga Itoobiya, wararka ayaa intaas ku daraya in taliyaha lala dilay sarkaal 1 xidigle ah oo caawiye u ahaa taliyihii qeybta 48aad.

Dagaallo lagu hoobtay ayaa mucaaradka amxaarada iyo melleteriga Itoobiya ku dhaxmaray dhulka buuralayda ah ee isku xira Raaya iyo Weldiya halkaas oo ay marto waddo istiraatiiji ah oo aadda gobolka Tigreey iyo magaalada Koobo.

Sidoo kale jabhadda Faano ayaa sheegtay in dagaallada ka socda buuralayda gobolka Wallo ay ku dishay inkabadan 200 askari Itoobiyaan ah balse weli wax war ah kamasoo bixin ciidanka difaaca Xabashida oo ku aaddan guulaha ay mucaaradku sheeganayaan.

sawirro bishii lasoo dhaafay uu melleteriga Itoobiya ku faafiyay bartiisa Facebook ayuu kusoo bandhigay saanado hub ah oo uu ku sheegayo in ay ka qabteen maleeshiyadka jabhadda Faano islamarkaana ay sii daayeen gaadiid xamuul ah oo ay fallaagadu qafaasheen.

Sidoo kale talaadadii lasoo dhaafay jabhadda Faano ayaa weeraro loo adeegsaday bambaanooyin nuuca gacanta laga tuuro ah ku qaadday saldhigyo boolis oo kuyaal magaalada Bahardaar oo ah caasimadda ismaamulka Amhara.

Dalka Itoobiya waxaa ka socda dagaallo sokeeye oo gallaaftay nolosha kumanaan kun oo ruux waxaana khasaaraha ugu badan geysanaya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo nidaamka Abiy Axmed uu kasoo iibsaday dowladda Turkiga.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-07-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -03-07-1446-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -07-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -07-11-1447-Hijri

April 23, 2026
Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada