Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xaalad adag ay wajahayaan malaayiin qof ajaanib ah kuwaas oo goodis kala kulmaya dadka Afrikaanta asalka ah ee wadankaasi deggan.
Boqolaal kun oo ruux ayaa maalmihii lasoo dhaafay isaga baxayay wadanka halka tobanaan kun oo kale ay galeen xeryo qaxooti iyo safaarado si ay uga badbaadaan weerarada lafilayo in ay soo qaadaan dadka ajaanib naceybku ku fogaaday.
Dadkan oo ubadan shaqaale,xoogsato iyo ganacsato ayuu waqtigu cirbinayaan maalin ka hor inta aan lagaarin 30-ka bishaan ayay bilaabeen in ay ka yaacaan tuulooyinka iyo degmooyinka waxayna tiigsanayaan magaalooyinka waaweyn sida Johannesburg iyo Cape Town.
Saraakiisha booliska dowladda Koonfur Afrika waxay sheegeen in ay ku jiraan heeggan ay rabshadaha ku xakameynayaan marka lagaaro 30-ka bishaan kolkaas oo ay rabshada wadayaashu isku ballansadeen in ay weeraraan ajaanibta wadankaasi ka shaqeysta.
Intabadan goobaha ganacsiga Soomaalida ayaa albaabada loo xiray si looga feejignaado dhaca iyo dilalka ay qorshanayaan dadka Koonfur Afrikaanka ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in muwaadiniin kasoo jeeda dalalka Malaawi iyo Zimbaabwe ay bilaabeen barakac halka qaarkood ay teendhooyin ka dhisteen afaafka hore ee qunsuliyadaha iyo saafaradaha dalalkooda.
Aamina Faarax oo kamid ah ganacsatada Soomaalida ee wadanka Koonfur Afrika ayaa warbaahinta usheegtay in ganacsatada soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan ay wadnaha farta ku hayaan oo xataa ay xaalad halis ah wajahayaan kuwa haysta sharciyada wadanka.
Hoggaamiyaha dibad baxa 30-ka Juun ayaa ku goodiyay in haddii ay ajaanibta saaraan ay ujihaysan doonaan xarumaha warshadaha iyo ganacsiyada waaweyn ee shaqaalaysiiya dadka soo galootiga ah ayna gubi doonaan.
Kumanaan kun soomaali ah oo isugu jira shaqaale iyo ganacsato ayaa sanadadii lasoo dhaafay lagu dilayay dhowr gobol oo katirsan dalka Koonfur Afrika.