Kadib markii Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay si rasmiya ugu dhawaaqeen go’doomin ay kusoo rogeen caasimadda Mali, waxaa tan iyo shalay laga dareemayaa magaalada Bamako in xaaladdu ay marba marka ka dambaysa sii adkaanayso.
RFI (Eekhey Fii) oo ah Idaacad caalamiya oo laga leeyahay waddanka Faransiiska, ayaa sheegtay in xaaladda caasimadda Bamako ay kasii darayso, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay ku dhaaqeen in go’doon ay kusoo rogeen magaaladaasi.
Laga soo bilaabo Arbacadii shalay, mujaahidiintu waxay jareen ayay tiri, waddooyin badan oo dhinacyo kala duwan kasoo gala caasimadda Bamako. Waxaana ka mida jidka ka baxa galbeedka magaalada isla markaana aada magaalada Kéniéba (Keyniiba), kaas oo xiran gebi ahaantiisba.
Tuullada Sorybougou (Suuriibuugu) oo wax ka yar u jirta Bamako, kuna taalla jidka isku xira caasimadda iyo magaalada Kéniéba, ayaa lasoo weriyey inay ku xanniban yihiin boqollaal baabuur oo isugu jirta, kuwa xamuulka, basaska iyo sidoo kale babuurt gaarka loo leeyahay.
Mid ka mida darawallada gaadiidkan, oo la hadlay idaacadda RFI (Eekhey Fii), ayaa sheegay in Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay joojiyeen, isla markaana ay diiddeen inay baabuurtani u gudbaan dhinaca caasimadda Bamako.
Isagoo darawalkani ka hadlaya arrintan ayaa waxa uu yiri “Waxaan halkan ku joognaa in ka badan 1,000 (Kun) gaari, oo ay ku jiraan ugu yaraan 80 bas oo rakaab ah, iyo gawaari kale oo ay ka mid yihiin baabuurta xamuulka iyo sidoo kale kuwa qaada dhuxusha, waana lanoo diiday in aanu galno caasimadda, xattaa mootooyinka looma ogola.”
Dirawalkan ayaa sidoo kale isagoo tilmaamaya qaabka ay mujaahidiintu ula dhaqmeen waxa uu yiri “Mujaahidiintu wax dhibaato ah nooma ay geysan, kaliya jidka ayay gooyeen, maadaama ay go’doon saareen magaalada, sidaas darteed gaadiidka ka yimaadda Bamako way gudbi karaan, laakiin kuwa doonaya inay galaan suurtagal ma aha.”
Qof kale oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa isna yiri “Waxaan ka tagnay Kéniéba si aan u aadno Bamako. Waxaan dhaafnay Kita waxaanan gaarnay Néguéla (Niigiila). Halkaas ayaa nalagu wargeliyay in waddada la xiray oo aysan suurtagal ahayn gelitaanka Bamako. Xalka kaliya wuxuu ahaa inaan dib u noqono. Run ahaantii, waa xaalad walaaceedu aad u badan yahay.”
Dhinaca koonfureed ee Bamako xaalad la mid ah ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto waddada aadda dhinaca magaalada Sikasso (Siikaasu). Sida uu sheegay Radio-ga RFI (Eekhey Fii), magaalo yar oo la dhaho Ouélessébougou (Wiiliisiibuuguu), waxay mujaahidiintu kusoo rogeen go’doomin adag dhammaan gaadiidka u socda Bamako, kuwaas oo qaarkood lagu amray inay dib u laabtaan.
Waxaa isna gebi ahaanba xanniban jidka bari ee caasimadda Bamako ku xira magaalada Kourémalé (Kuurimaali), waxaana sida ilo-wareedyo ay soo xigatay idaacaddani xaqiijiyeen, in isla shalay-ba boqollaal gaadiid ah lagu xannibay magaalo ku taalla jidkaasi oo lagu magacaabo Naréna (Naariina).
Go’doomintan ka dhaqan-gashay caasimadda Bamako, ayaa imanaysa xilli dhinaca kalena deggaanno hor leh oo ka tirsan dalka Mali ay si wada-jir ah ugu ku taqaddumeen Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin iyo jabhadda xoreynta Azawaad ee ay gacan-saarka leeyihiin.