Iyadoo maalintii 22-aad ay foodda la gashay xabad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya suurtogalnimada in Tehran ay soo bandhigto soo jeedin wax laga beddelay oo la filayo in maalmaha soo socda ay u gudbiso dhex-dhexaadiyeyaasha Pakistaan, sida ay CNN sheegtay inay kasoo xigatay ilo xogogaal ah.
Dhanka kale, saraakiil Maraykan ah iyo qof xog-ogaal ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka Maraykanku ay ka fiirsanayaan falcelinta Iiraan haddii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqo guul dhinac ah.
Sida ay warbixintu iftiiminayso daraasadda ay wadaan hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa ku qotonta, fahamka saameynta ay yeelan karto haddii Mareykanku ka baxo dagaalka uu kula jiro Iiraan, si loo yareeyo cadaadiska siyaasadeed ee gudaha Mareykanka.
In kasta oo ka bixitaanku yareyn karo cadaadiska siyaasadeed, haddana waxay daraasadda hey’adaha sirdoonka Maraykanku muujinaysaa walaaca ay ka qabaan in Iiraan ay heli karto fursad ay dib ugu sii amba-qaaddo barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaha riddada dheer.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa ku tilmaamay cadaadiska gudaha kaga socda madaxweynaha ee ah inuu soo afjaro dagaalka mid aad u weyn. Mid ka mid ah ilo xogogaal ah oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in Iran ay ka faa’iideysatay xabbad-joojinta socota.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, daraasad dhawaan la sameeyey ayaa bannaanka keentay in badi shacabka Maraykanku ay si weyn uga soo hor-jeedaan dagaalka uu Donald Trump ka bilaabay bariga dhexe kuna qaaday waddanka Iiraan.
Waxa kale oo warbixintu ay hoosta ka xariiqday in xirnaanshaha marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz uu sare u qaaday qiimaha tamarta adduunka, taas oo dowladda shiicada Iiraan siinaysa ayay tiri, awood gorgortan oo aad u weyn.
Sidoo kale ra’yi ururin cusub oo wada-jir ay u sameeyeen Reuters/Ipsos oo ah shirkad caalamiya oo ku takhasustay qiimaynta ra’yiga bulshada, ayaa muujinaysa in taageerada Madaxweyne Donald Trump ay gaartay heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay Janaayo 2025.
Sababta ugu weyn ee hoos u dhacan ayaa loo aaneeyay sare u kaca ku yimid qiimaha nolosha iyo shidaalka, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Iiraan bishii Febraayo 28, iyadoo qiimaha shidaalka ee Maraykanku uu kordhay in ka badan 40%.
Hoos u dhacan ayaa walaac ku abuuray xisbiga Jamhuuriga, iyadoo daraasaddu ku sababaysay, in haatan Trump aanu haysan taageero ku filan, xisbigiisuna uu ka baqayo in laga guuleysto doorashada soo socota, maadaama dadkii dhex-dhexaadka ahaa ay hadda taageerayaan xisbiga mucaaradka ah.
Inkastoo Tehran iyo Washington weli u muuqdaan kuwa kasii fogaanaya miiska wada-hadallada, haddana afhayeenka Aqalka Cad ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegtay in Mareykanku uu weli wadahadal kula jiro Iran oo uusan ku degdegi doonin inuu heshiis aan fiicnayn.
Amiir Saciid Iirawaani, oo ah safiirka Iran u fadhiya hey’ad-gaalleedda loogu yeero Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Iran ay xaq u leedahay inay ka hortagto tallaabooyinka Mareykanka kadib markii uu qabtay laba markab oo shidaal siday.
Wuxuu ku eedeeyey Maraykanka inuu ku kacay fal burcadnimo ah, kadib markii uu sifo sharci-darro ah ku qabsaday maraakiibta, isla markaana uu xatooyo ku sameeyey 3.8 milyan oo foosto oo saliidda Iran ah. Isagoo tilmaamay in tallaabadani ay halis gelin karto amniga badda iyo xasilloonida gobolka.
Ugu dambayntii, Wasiir ku-xigeenka Difaaca Iraan, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in dalalka madaxa bannaan uu la wadaago waayo-aragnimadooda ku saabsan sida looga adkaan karo dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka.