Dowladda Iiraan iyo maamulka gumeystaha Yahuudda, ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen weerarradii tooska ahaa ee ay is-dhaafsadeen saacadihii lasoo dhaafay.
Afhayeenka taliska dhexe ee Iiraan, Ibraahiim Dulfaqaari, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay dagaalka joojiyeen, isaga oo intaa ku daray in haddii Yahuuddu sii waddo weerarrada, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Koonfurta dalka Lubnaan, ay dowladdiisu qaadi doonto tallaabooyin ka adag kuwa ay horay u qaadday.
Dhankeeda, Yahuudda ayaa xaqiijisay inay joojisay weerarrada ka dhanka ah Iiraan, balse waxay tilmaantay inay sii wadi doonto weeraradeeda ka dhanka ah Koonfurta Lubnaan, taasi oo ka dhigan in kaliya joojin doonto howlgalladeeda ka dhanka ah Iiraan, siina wadi doonto duqeymaheeda ka dhanka ah Lubnaan.
Lama oga sida uu ku dhaqan-geli doono joojinta dagaalka, Iiraan waxay sheegtay inay joojisay dagaalka, balse joojintaas ay ku xirnaan doonto in Yahuuddu dhankeeda joojiso weerarradeeda ka dhanka ah Lubnaan.