Telefishanka dowladda Iiraan, ayaa shaaciyay in ciidanka xukuumaddaasi ay dhulka soo dhigeen diyaarad nooca kuwa aan duuliyaha lahayn ee uu Maraykanku leeyahay.
Weerarka lagu soo riday diyaaraddan aan duuliyaha lahayn oo ay fuliyeen nidaamdyada difaaca cirka ee Iiraan, ayaa ka dhacay hawada magaalada Bandar-cabbaas ee dhacda xeebta koonfureed ee Iiraan.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay haraadiga burburka diyaaradda nooca drone-ka ah ee laga soo riday ciidamada Mareykanka, taasi oo aan nooceeda si rasmi ah loo shaacin.
Waxay tani kusoo beegmaysaa markii saaka jugta qaraxyo waawayn laga maqlay magaalada Bandar-cabbaas ee koonfurta Iiraan, sida uu shaaciyay isla telefishanka ramiga ah ee xukuumadda Tehran.