Dowladda Shiicada Iiraan ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday in Marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz uu yahay “khad cas” oo lama taabtaan ah, isla markaana aysan oggolaan doonin in xoog kasta oo Maraykanku isku-dayo inuu ku furo.
Waxay ka digtay in haddii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu fuliyo hanjabaaddiisa ah inuu weerarayo kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan, ay iyaduna beegsan doonto dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Khaliijka.
Dowladda Maraykanka ayaa habeenkii shanaad oo xiriir ah weerarro ku qaadday Iiraan, isadoo sidoo kale dib u soo rogtay xannibaad-badeed ay sheegtay inay ujeeddadeedu tahay dib-u-furista Marinka Hormuz oo xayiraad ay saartay Iran.
Madaxa wada-xaajoodka Iiraan, Maxamed Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in dalkoodu uu dagaal jiritaan ah uu la galay Maraykanka, waxaanu yiri “Waxaan ku jirnaa dagaal lama huraan ah oo jiritaankeenna ku saabsan oo aan kula jirno Mareykanka.”
Afhayeenka ciidanka Iiraan, Sarreeye Guuto Maxamed Akramiiniya, ayaa maanta sheegay in Hormuz uu yahay Khad Cas, isla markaana ay awood buuxda u leeyihiin in marinkaasi ay ka maamulaan meel kasta oo dhulkeeda ah, ayna si adag u difaaci doonaan.
Saraakiil Maraykan ah ayaa warbaahinta caalamka u sheegay in weerarrada Maraykanku ay sidoo kale bartilmaameedsanayaan awoodaha millateri ee Iiraan si loo fududeeyo hawlgallo kale oo la filayo in mustaqbalka ay dhacaan.
Maamulka Tehran wuxuu sheegay in furitaanka Marinka Hormuz uu ku xirnaan doono in marka hore dowladda Maraykanku fuliso heshiis 14 qodob ka kooban oo labada dhinac hore u saxiixeen iyo ixtiraamka xeerarka Iiraan ee maraakiibta.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu toddobaadka soo socda weerari doono xarumaha korontada iyo buundooyinka Iiraan haddii Tehran aysan dib ugu noqon wadaxaajoodyada.
Iiraan ayaa ku jawaabtay in haddii hanjabaaddaas la fuliyo, ay qaadayso weerarro ka ballaaran kuwii hore oo lagu beegsanayo kaabayaasha gobolka. Waxaanay maanta sheegtay inay beegsatay saldhigyo Maraykanku ku leeyahay Kuweyt iyo Urdun.
Dhanka kale, dowladda Iiraan waxay fartay kooxda ay gacan-saarka leeyihiin ee Xuutiyiinta Yemen in ay isu diyaariyaan in ay xiraan marin biyoodka Baabul-Mandeb haddii Mareykanku uu weeraro kaabayaasha tamarta ee Iiraan.
Xuutiyiinta ayaa lasoo wariyey inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku soo diyaariyeen meel u dhow marin-biyoodkana istaraatiijiga ah ee Afrika, iyaga oo sugaya amar-fulineed oo kasoo yeera dhinaca dowladda Iiraan.
“Dalalka derisku waa inay ogaadaan in marti-geinta saldhigyada Maraykanka iyo u oggolaanshaha inuu ka weeraro dhulka Iiraan ay tahay arrin aan la aqbali karin oo jawaab la’aan aan dhici doonin,” ayay ciidanka Iiraan ku sheegeen bayaan ay soo saareen.
Waaberigii Khamiista ee saaka, seeriga digniinta ayaa laga maqlay Baxreyn, iyadoo sheegtay inay hawada ku burburisay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn oo Iiraan ka yimid, halka Kuweyt ay sheegtay inay la tacaalayso hanjabaado diyaarado drone ah.
Xiisaddan sii kordheysa ayaa sare u qaadaysa khatarta dagaal ballaaran oo si toos ah uga qarxa gobolka, iyadoo falanqeeyayaashu ay sheegayaan in Iiraan ay sidoo kale adeegsan karto Xuutiyiinta Yemen si ay u xiraan Marinka Baabul-Mandab, taas oo halis gelin karta laba ka mid ah marinnada tamarta ugu muhiimsan dunida.