Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan, ayaa dib u xiray marin biyoodka caalamiga ah ee Hurmuz, Iiraan ayaana Maraykanka iyo Yahuudda ku eedeysay jebinta qodobkii 1-aad ee heshiiska labada dhinac.
Bayaan uu Taliska dhexe ee ciidanka Iiraan soo saaray gelinkii dambe ee maanta, ayuu ku sheegay in ku xadgudubka Maraykanka iyo Yahuudda ee fulinta heshiiska xabad joojinta gaar ahaan weerarada Yahuuddu ka geysanayso koonfurta Lubnaan, lagu daray dilal naxariis darro ah iyo barakicinta boqolaal kun oo qof iyo inaysan ciidanka gumeystuhu ka bixin dhulka Lubnaan uu keenay inay xiraan marinka muhiimka ah ee Hurmuz.
Warka kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka xukuumadda Tehran, ayaa sidoo kale lagu sheegay in tani tahay tallaabada koowaad ee jawaabta Iiraan ee weerarada ka dhanka ah Lubnaan ee heshiiska lagu jebinayo, qorsheyaal kale ayay sheegeen in ay miiska saaranyihiin oo ay qaadi doonaan haddii weeraradu sii socdaan.
Bayaan kale oo ciidamada badda ee Iiraan kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in uu marinku xiran yahay, waxayna ku dareen digniin ah in markab kasta oo isku dayo inuu usoo dhowaado marinka uu khatar ku jiro.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa Maraykanku ugu baaqday in uu dedejiyo fulinta qodobbada heshiiska, gaar ahaan kan koowaad oo ah in xabbad joojintu ka dhaqan gasho dhammaan furimaha oo ay ku jirto Lubnaan.
Tallaabada Iiraan ku xirtay marinka Hurmuz, ayaa kusoo beegantay markii 24-kii saac ee u dambeeyay uu maamulka Yahuuddu duqaymo laayaan ah ka gaystay koonfurta Lubnaan oo uu gacanta ku hayo ururka la baxay Xisbullah ee taabacsan dowladda Iiraan.